| 
                                       
  | 
                                       | 
                                       | 
                                    
                                       
  | 
                                       | 
                                       | 
                                       | 
                                    
                                    | 
                                     waxaa qaday heestan Salaaxa Qaasin Naaji waxaa Sameyey Sangub 
                                    Gobsanaa Hablahayagu 
                                    Marka guudka loo dabo  timaha gidifka loo xiro tirisadaan gu qaan gaadh  geyaankoodu soo baxo  eegeedka loo
                                    galo wada  hada sho guurtidu gacan qaadku uu dhaco  laga keeno guunyada gibladiyo ciyaaraha  la gimgimo arooskii waad
                                    gaari nololwacan  lagu so gardadshee  gobsanaa hablahayagu. 
                                    xubno wada garaarale  itaal gedo lixaadle  tima goray haldhaaga  afmadow gundku yahay  maarin gun iyo baar
                                     ku manaysatay guuluhu gubanimo asiilayaa markay guri timaadee xishood aan gaboobay qurux aan gadoomayan maariin
                                    casan galay waa midab  u gaaree gobsanaa habalahayagu.  | 
                                    
                                     heesta waxaa origanali qaday Fanaan kii Abdi naasir macali alla ha u naxariistee.
  
                                    Dawadii Naftayday 
                                     baydka I  
                                    Dawadii naftayday dadka taan ka doortaay,  soo inaana ku daawado dala dheer ugama soo kicin, dumar haygu noqonine
                                    sidana kaaga dabadhacay inaad ii daryeeshaa. waan kaa danbeeyaayo door waxaan iraahdaa, duli lam aamaanee dahab weeye
                                    gabadhaye. malagii ku dilay iyo sidaan ahay dabaylaaha, dadka kala dhantaal ii diiday hadalkee. inaad daah isaartaayo
                                    keligaa dekaysaa,  waxaad damacday ma aqaan miyaa laygu kaa diray. 
                                    baydka II   
                                    Adigaan dadaadana kaa dawanaayo, damqasha jirkaygiyo siduu caasha ii dilaay, alla daayin weeyee, soo kuguma soo dago. waankaa
                                    danbeeyaayo door waxaan iraahdaa,  duli lama amaanee dahab weeye gabadhuye. Malagii ku dilay iyo sidaan ahay dabaylaaha, dadka
                                    kala dhantaal ii diiday hadalkee. Inaad daah isaartaayo keligaa dekaysaa,  waxaad damacday ma aqaan miyaa laygu kaa
                                    diray. 
                                    baydka III  
                                    Kuwa nala dadaa una ways doonanayaan,  inaguna daleeshiyo darbiyadaan wareegnaa,  doqonimana weeyaan aan kal diboonaa. Waan
                                    ka danbeeyaayo door waxaan iraahdaa, duli lam aamaanee dahab weeye gabadhaye. Malagii ku dilay iyo sidaan ahay dabaylaaha, dadka
                                    kala dhantaal ii diiday hadalkee. Inaad daah isaartaayo keligaa dekaysaa,  waxaad damacday ma aqaan miyaa laygu kaa
                                    diray.  | 
                                    
                                     BISHAARO 
                                      
                                    heestan waxaa sameyey nin magaciisa
                                    la yiraahdo  
                                    Maxamed Ahmed Cali (Cali Goox) 
                                    wuxuu ku qoray wadanka Sacuudi Areebiya  
                                    sand ku marku ahaa 1992  
                                    Waxaa laxanka iyo musiga saray Cumar Dhuule Cali oo dhintay 1999 kii alla hau naxariistee  
                                      
                                    Bishaaradii naftaydaay!   
                                    Bugto waxaan kuu soo maray,   
                                    Badtallaalihii uu   
                                    Boodhari ku aasnaa.   
                                       
                                    Ilaa buurtii Daalood,   
                                    Buraan iyo Hadaaftimo,   
                                    Ceerigaabo iyo Badhan   
                                    Beleddadii kalgacallada.   
                                       
                                    Iyagoo barwaaqo ah   
                                    Biyuhuna qulqulayaan   
                                    Balliyaduna buuxaan,   
                                    Soo booqday awgaa.   
                                       
                                    Sidaan ahay bukaansocod,   
                                    Markii banta lays yidhi,   
                                    Bilaneey laantaa,  
                                    Lay baxnaannin kariwaa!   
                                       
                                    Banii-aadan baad tahay   
                                    Bashar kula midaan ahay   
                                    Naf kuu baahan baanee,   
                                    Barbarkaaga ila qabo!
                                      
                                       
                                    Bishaaradii naftaydaay!   
                                    Ballan aan u galay axad   
                                    Weligey kamaan bixin,   
                                    Uma laba-bogleyn ruux.   
                                       
                                    Belbelkaniyo naartani   
                                    Baaxaa-deggeygiyo   
                                    Bixisadan i haysiyo,   
                                    Waa maxay badweyntani!   
                                       
                                    Baxsantaan jeclaayeey!   
                                    Baadiyoobay awgaa,   
                                    I badbaadi maantaad   
                                    Sida bahal i sidataa!   
                                       
                                    Beerkaad i sudhatee   
                                    Hayska dhigin biraan jabin,   
                                    Buuraan la mari karin,   
                                    Been hayska dhaadhicin! 
                                       
                                    Bani-aadan baad tahay  
                                    Bashar
                                    kula midaan ahay  
                                    Naf kuu baahan baanee,   
                                    Barbarkaaga ila qabo!   | 
                                    
                                      Ceergaabiyo
                                    Badhan  
                                      
                                    Carigoo barwaaqa ah  
                                    Casar tahay cad ceeduna 
                                    Ay ciirsimaad tahay 
                                    Ay ciirsimaad tahay   
                                      
                                    Casriga hablaha kacay  
                                    Adaan ka calmadayo 
                                    Calooshaad ku taal 
                                    Calooshaad ku taal 
                                     
                                      
                                    Ceergaabiyo badhan  
                                    Dhulka wada cagaarka leh  
                                    Yaa kula cawaysima 
                                    Ama cala calaha hoosiyo  
                                    Bada cidhifyadeediyo  
                                    Ceelaayo kula taga  
                                      
                                    Camalakaaga wacan iyo  
                                    Caashaqan is keen baray  
                                    Baan ku caano maale 
                                    Baan ku caano maale 
                                      
                                    Cimrigay intaan jiro  
                                    Ku canaacan maaye  
                                    Caafimaad ku noolow 
                                    Caafimaad ku noolow 
                                      
                                     Ceergaabiyo Badhan  
                                    Dhulka wada cagaarka leh  
                                    Yaa kula cawaysima 
                                    Ama Cala Calaha hoosiyo  
                                    Bada cidhifyadeediyo  
                                    Ceelaayo kula taga.
   | 
                                     Dunidii siday tahayeey Khadra Dahir 
  Dunidii siday tahayeey  Maxaa dumay maxaa nool  Dhigii
                                    wali ma daataayeey  Bal dalkii ka sheekeeyeey  Kuwii aabahay dilayeey  Dab ku shiday awoowgayeey  Anigana I dulmiyey
                                     Duunyadiina naga dhacay  Maka diday jidhkiinii  Ma dagaalanteen weli  Weliyeey waliyeey waliyeey 
 
  Dawliska
                                    iyo ceelkii  Hadaa laysku deyayaa  Daabka iyo godintii  Hadaa laysla doontaa  La dabaa la dobayaa  Samaydii
                                    la diirtee  Dalkii wuxu gudoonsaday  Dirir iyo col weeyee  Nolol baa dambaysee  Duqaydii la laayiyo  Ubadkii
                                    la dooxiyo  Dumarlii la gawracay  Ma ka diday jidhkiinii  Waliyeeey waliyeey waliyeey  | 
                                    
                                     Waxaa qada heestan Khadar Daahir iyo Juba may dhamastira heestu. 
                                    Kaa doonaysee Aha Laguu diidaa Ehe Kuu soo degoo Kula dadab galee Daadaawo oo  La dakee haddaba 
                                    Calaf lama dago Lama diidi karo Waa deeq Ilaah 
                                    Waan daalanee Aha Dirqaan galee Aha Darajada Alloo  Ii dambeysayoo Sun la ii daraa Malab ii da'dee Calaf
                                    lama dago Lama diidi karo Waa deeq Ilaah  | 
                                    
                                      Heestan waxaa qada Khalid Haref Ahmed OO ku Jiray Kooxdii DUr Dur 
                                      
                                    Habeen ma hurdoo Aday horjoogoo Dharaar ma hargalo Aduun baabay helayee Runtii ku helayoo Caawaan iman iman Oonkaan
                                    u liitay Iga ba'ay harraadkiisa 
                                    Hannaan wanaageey Hadal macaaneey Wadnahaad haleeshayoo Waad hirgalaysaa Runtii ku helayoo Maantaan iman
                                    iman Oonkaan u liitay Iga ba'ay harraadkiisa 
                                    Ololaha jacaylkeenna Yididdiiladeeniyo uur midoo fiyowbaan ku abaabulaynaa Ubixii aan beernaan ku intifaacsanaynaa Caawaan
                                    iman iman Oonkaan u liitay Iga ba'ay harraadkiisa 
                                    Afar gu' iyo dheeraad Axdigaynu taagnay Ayaan dantiyo guur u adkaynay gaarnoo Marwadayda noqotoo Ubad daadahaysee Caawaan
                                    iman iman Oonkaan u liitay Iga ba'ay harraadkiisa...  | 
                                    
                                    Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.  Heesta midhaheeda waxa curiyay
                                    Abwaan Tuug Tarabi? Heestan magaceeda waxa la yidhaa: 
                                    Yuuqyuuqsadaa 
 
  sida yool hayay  yamyidhoo aboor looga dhigay
                                    yagleel  yuuflaha qabow dhaxn yulux leh baan  ku yaboohiyaa sida yala tuka  hadba kayn yuka ah yuuqyuuqsada
                                     waan yaabane siduu iigu yimi  yax ma idhi jacayl yaro aragtidaa 
  yeey iyo yaxaas  wada yiidhayaan ka
                                    dhex yuubanoo  cirko yagal ka kacay daruur yugatabaan  debed yuururaa sida yala tukaan  hadba kayn yuka ah yuuqyuuqsadaa
                                     Waan yaabanee siduu iigu yimie  yax ma idhi jacay yarow aragtidaa 
  sida geel yukamay  yibladoo haraad la
                                    yahoomayo  ceelkuna yalool yahay biyo yaraad  yuudaadsadaa sida yala tukaan  hadba kayn yuka ah yuuqyuuqsadaa
                                     waan yaabanee siduu iigu yimid  yax ma idhi jacyal yarow aragtidaa 
 
  Soo saxa soona dhameeya
  | 
                                    Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.  Heesta midhaheeda yaa
                                    curiyay ? Heestan magaceeda waxa la yidhaa: 
                                    Horta yaa abaal gala
 
  Caashaqaa hadduu go' maxaa
                                    adiga kaa galay laba guur ku kulantiyo laba gaar isugu wacan garashooy maxaad noqon gacan gacan waxsiisiyo gacan
                                    u gragaarta yaa heli horta ya abaal gala haddu jire se yaa guda 
  caashaqaa haddu galo maxaa adiga kaa galay gorigii
                                    ilmaha tabay iyo gabanti uu dhalay midba gees u xidhana gacan gacan wa siisiyo gacan u gargaarta yaa heli horta
                                    yaa abaal gala hadduu jiro se yaa guda 
 
  Soo saxa soona dhameeya
  | 
                                    Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.  Heesta midhaheeda yaa
                                    curiyay ? Heestan magaceeda waxa la yidhaa: 
                                    Ololka iga baxayaa
  adkaysan waayoo ayaan ma
                                    seexdoo aduun dhibtiisaa ani lay dhameeyee naftu kay u oontay arkina weydoo i tusi weydaa alla maad ogaatiin ololka
                                    iga baxayaa iga keen ilmadan caashaqaa in aan wali abraaraayo alwada hay ogaysiin 
  asqoobay ooyoo itaal
                                    dareeyo anfac ka dhaarto orodka gaabshe jacayl oodihiiboo igu abuuroo i tusi weydaa alla maad ogatiin ololka
                                    iga baxayaa in aan wali abraaraayo alwada hay ogaysiin 
 
  Soo saxa soona dhameeya
  | 
                                     Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.  Heesta midhaheeda yaa curiyay?  Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
                                    
                                    xagay gacalo soo mari 
 
  casshaqa halku galo xagay gacalo soo
                                    mari laba guur ku kulantiyo laba gaar isugu wacan garashooy maxad noqon gacan wax siisiyo u gargaarta yaa heli horta
                                    yaa abaal gala hadduu jire se yaa guda 
  caashaqa halku galo haddaan gogosha loo dhigin goraygii ilmaha tabay iyo
                                    gabante uu dhalay midba gees u xidhana gacan wax siissiyo u gargaarta yaa heli horta yaa abaal gala hadduu
                                    jire se yaa gudi 
 
  Soo saxa soona dhameeya
  | 
                                      
                                    Heestan waxa qaadi jiray fanaan la odhan jiray Cumar Dhuule Ilaahay haw naxariistee. Midhaha heesta yaa sameeyay?
                                    
  markay tahay habeen waan hanuunsano hilibkaygiyay halkaad joogtid uunba layga soo hela kama hagar li'iye
 
  inaan
                                    ahay hacoo iyo inaan sidaa ku hagaasanahay aan kal hubsado kala hubsado
 
  Heestu ma saxna mana dhamma
                                      | 
                                     Dhulaan ceel lahaybaa [Khadra&Saado]
 
 
 
  Dhulaan ceel lahaybaa dhaankii u rarayaa
                                     Adna dhool guyaadiyo  dhibicdii ma hayside  Dhacar baad ku nooshahay  dhankan anigu kaa xigo  Dharka lama
                                    yaqaanee  dhuug baanu xidhanaa  Adna dhogorta xoolaha  malaa waad ka dhigataa  Buuraha dhexdoodiyo  dhagaxbaan
                                    ku seexdaa  Adna wax ima dhaantide  dhulka hoos u qodan iyo  Dhufays baad u hoyataa  dhulkan kala fogaadiyo  Labadeenan
                                    kala dheer  yeysu soo dhaweeya 
 
  Markaad adigu dhimataa  naftu iga dhaqaaqdaa  Markaad adigu dheregtaa
                                     dhibaatadu I deysaa  Dheehaagan wacan baa  aniguna ku dhaashtaa  Dhaxalkii ad reebtaa  dhitadaydu noqotaa
                                     Markaan soo dhowaadana  waad iga dhaqaaqdaa  Ana kuma dhegaystee  anoon dhuumanayn baan  Dhegaha kaa furaystaa
                                     wixii adiga kaa dhimin  Anigana I dhaafoo  dhaan-dhaan hadaan ahay  Adna dhoohanaa tahay dhulkan kala fogaadiyo
                                     Labadeenan kala dheer yeysu soo dhaweeya 
 
  Kol hadaynu dhuuxiyo  dhiigii ka simanahay  Midabkiyo dhawaaqiyo
                                     diintiyo dhalashada  Iyo dhaqan wadaag nahay dhudhunkaad I goysaa  Waa dhantaalan kaagee  labadeenu dhuun
                                    iyo  Moqor baan ka dhiganee dhidibkaynu taagniyo  Dhismihii adkaan jiray  inaan kala dhaltaalaa  Dhegxumo iyo
                                    yaab iyo talo dhacan tay weeyee  Dhaxdin baan wadaagnee  aayaha dhasheeniiyo  Midnimada ma dhowraa 
 
  | 
                                     Geesi iyo hanad baa [Cumar Dhuule]
  Geesi iyo hanad baa  La gaboodsadaa  Rag ninkii wax garadaa
                                     La gar waaqsadaa  Waa nin gala abaaloo  Gudi kara wanaagoo  Samo kugu gargaree  Gar eexiyo  Adoon godob
                                    u malayn  Hawsha ila gal  Ama gooni noqoo  Aan kaa go'ee  Aan kaa go'ee 
 
  Galad iyo ayaan baa  Lagu
                                    guursadaa  Talo aad gorfaysaa  Geed lala tagaa  Runta laga garaabaa  Layskuma gayaxa oo  Gees lagama eegee
                                     Gar eexiyo  Adoon godob u malayn  Gar eexiyo  Adoon godob u malayn  Hawsaha ila gal  Ama gooni noqoo  Aan
                                    ka go'ee  Aan ka go'ee 
 
  Gaban maayo aniguye  Adaan kuu go'ee  Jacaylbaa I gooyee  Adna ii garaw  Haygu
                                    noqonin  Geed adag  Aan go'I karaynoo  Gacmaa daalinaayee  Gar eexiyo  Adoon godob u malayn  Hawsaha ila
                                    gal  Ama gooni noqoo  Aan ka go'ee  Aan ka go'ee 
 
 
 
 
  | 
                                    
                                    Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.  Heesta midhaheeda yaa curiyay ? Heestan
                                    magaceeda waxa la yidhaa: 
                                    Daraato maxaan ku donay
  Nafta meel u dudaysaa damaqeeda xanuunka wow
                                    doog dhabataayee waan ku daawan lahaaye dunti caashaqaa ma hantiyay qalbigi dagyee dahab la moodyow daraato maxaan
                                    ku doonay 
  naf dabaylo sitaan debed wow hoyataaye dadka weyska xignaaye wwn ku daawan lahaaye duntii caashaqaa
                                    ma hantiyay qalbigii degyee dahab la moodyow daraato maxaan ku doonay 
 
  Soo saxa soona dhameeya
  | 
                                     Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.  Heesta midhaheeda yaa curiyay?  Heestan magaceeda waxa la yidhaa: 
                                    ila xidh hoosa
 
  nafba waa ayaankeed ifka waxay la kulantee ana
                                    deg qarsoon iyo meel aan cidi arkayn baa laygu ilaashaa sida igadh maqaarkeed **** loogu dhigay baan sideedaan
                                    u ololaa ugub laguu curtoo 
  sidaan oohin ugu go'ay afaadka dhacayaa boqol afar iyo tobanka in uu kaaga
                                    bariyaan ku barya ilaahay 
  
                                    
                                    Cudurka Kaa Gala Fardaha
  Qof go'ay Iyo roob galbeed Midkoodna haduu galbado Gadaal uma soo noqdee Go'aankii
                                    hore u dhacay iyo Ayaamahan gaabiskaa Horaadkaan godol lahaa Haday iga gaagaxsheeen Iyana waxaan kaga gudbaa Gobay liico
                                    ha jabin Gantaashana waan qaba Martina guulaan u ahay
  | 
                                    
                                     waxaa heestan qaday M. Mooge  
                                    Ku sinnaan dharaartii la sargooyey dunidee Rabbigay sameeyee
  Cirka sare u taagee Xiddigahan
                                    siraatiyo Lagu sudhay cadceeddee
  Sagalkiyo daruurtiyo Lagu xidhay sitaacee Dhulka gogol la seexdiyo Sabo
                                    lagu nagaadiyo Laga dhigay sin-dadabkii Buuraha la saaree
  Dhirta samayda ciiddiyo Salka loogu joojee Saddex
                                    laab bad iyo webi lagu yidhi sabbeeyee
  Dabadeed la sahanshay Qofba meel la siiyee Saldhigeedu qaybaha Cidi
                                    uma sinnaynoo
  dadku ruux sabooloo saranseer ku raagiyo guryo samu nin yaalloo sidka dhalay ku haystoo helay
                                    seer-ma-weydiyo laba kala sad roon baa subax noolba joogee
 
  Waan soo socdaa kowdhe Waxna waan sidaa labadhe Samir
                                    yeelo weligaa Saxarlaay ha fududaan
  Sal-fudaydku Xaawuu janadii ka saaree ruux aad sugaysoo maqan waa la
                                    sahadshaa
  sahan waa la dhowraa ha sahwiyin ha selelin salka dhaban ha noqonin ha saluugin qaybaha 
  qalinbaa
                                    saxeexee. waxan Saatir kuu qorin ha u suul dhabaalayn Kala saar run iyo been kala garo sir iyo caad in salaaddu
                                    weligeed kala tahay Sunniyo Faral uogow sax iyo maan
  Inaad saamo jiiddiyo sanqadh tirasho kala daa naf
                                    jacayl sawaabayoo sanka kuu dalooshoo kuu sudhay hoggaan baad  usiddaa maqaarkee ha ku daba saqlaysee haw gaabin
                                    seetada sogsogtiyo cadaaddiyo ha ku saydhin laamaha
 
  Waan soo socdaa kowdhe Waxna waan sidaa labadhe Samir
                                    yeelo weligaa Saxarlaay ha fududaan
 
   | 
                                    
                                      Heestan waxaa qada Khadar Daahir  
                                    Isha Sacabka Mari, Khadra Daahir Cige 
 
  Dadkoo ururayoo  isu tagey dhammaan  ma ogaan karaan  moyee
                                    isaga  ayaaa waaay haaaa uga warrama  aramidu inay eel dheer taqaan  Hadba waxaan arkaa  anoo ay cidla ah  eri
                                    dhaban sidiisii  kuu ololayee  Ubax baan sidaa  kuula soo ordee  maad iga aqbali  eedaad kalgacal  adaa
                                    igu unkaye  dhibtan mawga bixin  kugu indha la'  usha maad u qaban 
 
  Ifo faalo iyo saad aragti dheer  sida
                                    awliyaan ku oddorosayaa  ayaa way haa ilo biyo leh  ku agmeerayoo  oonku ka baaba'ayn  garta odayada  la i
                                    soo dhigaa  arji iyo aqoon  afti kaa baxshee  Yay ku dhicin ilmadu  dhir abaarsatee  isha sacabka mari  eedaad
                                    kalgacal adaa  igu unkaye  dhibtan mawga bixi  naftan naftan ku oggolee  kuu abaajitee  kuu abaydintaa ee  kugu
                                    indha la'  usha maad u qaban   | 
                                     Heestan waxa qaadi jiray fanaan la odhan jiray Cumar Dhuule Ilaahay haw naxariistee. Midhaha heesta
                                    yaa sameeyay? 
  waa jacayl aboodiya midkan ila arooray la itaal dareeye asaagay iga raabee waa adi daraadaa wax
                                    la ii ambinayaa aan aduunka joogee ha gaynin aakhiro
  hay ahaanin nacabee adoon iga adkaysan yaan lay afduubin
  adyad
                                    kuuma gaysan waxaad igu ilawday ayaan daran naftaydaa iika arkootee
  aan adimadaydiyo eersado ishaydee adoon
                                    iga adkaysan yaan lay afduubin
  | 
                                    Heesaha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah. Heesta midhaheeda waxa curiayay
                                    Faysal Heestan magaceeda waxa la yidhaa: 
                                    Lacageey
  Lacageey ragga kala labaayaay Haween
                                    lahashadooday Liitaha gargaaray laqanna hoos u celiyaay Hubka laysku laayaay Lisaanka iyo dooday Hadana lagama
                                    maarmaay Liibaanta joogtaay Taan anigu ku loofaray Een hore u lumiyaay Ladhkeedii habeenadan hablow ladiba
                                    waaye lacageey
 
  | 
                                    aha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah. Heesta midhaheeda waxa curiayay Faysal Heestan
                                    magaceeda waxa la yidhaa: 
                                    Subcis 111
  Haddii lagu dilo aniga damqadoo Laysumaa
                                    daayo laba is doonaysoo Dadkeenu waxyeeladuu doorbidaye Ku doorataye may i dayaayaan Hayaay Shamis sheekadiidii
  Timaha
                                    halaqeed haldhaa moodiyo  haybadaa wajigee hida u dhaladka hubqaadkeedu hibasho igu reeb 
  Buhayraay taan u baahnayeey baahyoo
                                    warku beeshi wada gaadh
 
  Soo saxa soona dhameeya
    | 
                                    
                                    | 
                                     waxaa heestan qaada C/salaan moalin cabdulle  
                                    Dhul biyuhu maraano Xareeduna baliga taal Boocamay ku dhalatiyo  Dhul barwaaqo ah ood garan Bidhaanteedaan
                                    waayo  Baadigoob ku waashee Beriga ay ku nooshaa Shimbir buuba igu tidhi Barakado aan barkadiyo Beesha Gedaan
                                    u boogayaa Boqolo soomaan balan ku qaadee Bilaash laguma dhaartee 
                                    Boqolka soo baxaayay Shan iyo tobnaadeey Baahidaa aan kuu qabo Barniyey bidhaan araga ha iga tegin 
                                    Butin dheer bureeqoo Baalasheedii fidisoo Inay buubto bilowdoo Bilciladi ka boodaay Berigaan is baranaa Wadnaha
                                    boog ku yeeshee Beerkii bay damqadayoo Boqodoo kuu basaasee.  | 
                                    
                                      Waxaa heestan qada Maxamed Aadan Shamuuri  
                                    Sida dhool guyoo da'ay Dhirtu ubaxa bixisoo Dhulku wada dhalaaloo Xooluhu dhaleenoo Dhayda iyo subaggii Dhanacyada
                                    u liiceen Dhallinyaradu joogtoo Dhaantada ciyaaraha Dhammaan laysla tumayo Ayaad iiga dhigantoo Naftaa kula
                                    dhacaysee Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan...  Dhabta i saar! 
                                    Beerkay dhambalanoo Dhuuxaygaa shubmaayoo Dhiiggay qulqulayee Dhibtu maaha keligaa Waase lagula dhinacyaal Dhabbadaan
                                    maraayiyo Kolka aan dhaqaaq tebo Dhammi waaxyahaygiyo Dhimirkaygu adiguu Dhabtii kula hayaayoo Dheellalowga
                                    ugu wacan Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan  Dhabta i saar!  | 
                                     Heestan waxa qaadi jiray fanaan la odhan jiray Cumar Dhuule Ilaahay haw naxariistee. Midhaha heesta yaa sameeyay?
                                    
  xabadyahay waxaad tahay xulashada haweenkii xaqiiqdii mid kula mida
  wali lama xambaarine xuural cayn
                                    la moodii xaragada u dhalataay
  gacmaahaga xaada leh markaan soo xasuustab  xadantoodayeey
  xidigyahay
                                    anoo nool xabaal baan dul aala
 
  | 
                                    Dhulaan ceel lahaybaa [Khadra&Saado]
 
 
 
  Dhulaan ceel lahaybaa dhaankii u rarayaa  Adna
                                    dhool guyaadiyo  dhibicdii ma hayside  Dhacar baad ku nooshahay  dhankan anigu kaa xigo  Dharka lama yaqaanee
                                     dhuug baanu xidhanaa  Adna dhogorta xoolaha  malaa waad ka dhigataa  Buuraha dhexdoodiyo  dhagaxbaan ku seexdaa
                                     Adna wax ima dhaantide  dhulka hoos u qodan iyo  Dhufays baad u hoyataa  dhulkan kala fogaadiyo  Labadeenan
                                    kala dheer  yeysu soo dhaweeya 
 
  Markaad adigu dhimataa  naftu iga dhaqaaqdaa  Markaad adigu dheregtaa
                                     dhibaatadu I deysaa  Dheehaagan wacan baa  aniguna ku dhaashtaa  Dhaxalkii ad reebtaa  dhitadaydu noqotaa
                                     Markaan soo dhowaadana  waad iga dhaqaaqdaa  Ana kuma dhegaystee  anoon dhuumanayn baan  Dhegaha kaa furaystaa
                                     wixii adiga kaa dhimin  Anigana I dhaafoo  dhaan-dhaan hadaan ahay  Adna dhoohanaa tahay dhulkan kala fogaadiyo
                                     Labadeenan kala dheer yeysu soo dhaweeya 
 
  Kol hadaynu dhuuxiyo  dhiigii ka simanahay  Midabkiyo dhawaaqiyo
                                     diintiyo dhalashada  Iyo dhaqan wadaag nahay dhudhunkaad I goysaa  Waa dhantaalan kaagee  labadeenu dhuun
                                    iyo  Moqor baan ka dhiganee dhidibkaynu taagniyo  Dhismihii adkaan jiray  inaan kala dhaltaalaa  Dhegxumo iyo
                                    yaab iyo talo dhacan tay weeyee  Dhaxdin baan wadaagnee  aayaha dhasheeniiyo  Midnimada ma dhowraa 
  | 
                                    
                                    Heesaha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah. Heesta midhaheeda waxa curiayay Faysal Heestan magaceeda waxa
                                    la yidhaa: 
                                    Subcis 11
  Qod baad tahay meel qabow ka baxoo Qajeel ubaxii dhammaan qariyo Qacdii
                                    aan ku arkaan is qoonsadayo Bal qabsoo waaban kuu qandhaysnahay
  cusibiyo geelo kama marmo carroo cirkiyo uu ogyahay
                                    halkii cosob loo cadaystay inaan ku caashaqaye cidliyo haygu tuurin ciirsila
  Ciilkayga kola caashaq dayn maayo Ciyaarta
                                    cid kale la garan maayo Carsaanyo sigaarka hayla cabtee Ciidiyo badda cagaha ii dhigga
  ma seexdo habeenkii waan
                                    salalaa sayda waa la ii sawiraayaa
 
  Soo saxa soona dhameeya
 
  | 
                                     Heesaha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah. Heesta midhaheeda waxa curiayay Faysal Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
                                    
                                    Subcis 1
  Daganeey sida dooxa daad marayo Daristii kaga taal labadaa dacaloo dunyadii
                                    wali daaqin baad tahay
 
  Sidii cir ku hooray meel cosobloo Cadcedi u soo baxdaad tahay
 
 
  Nasiibkaygiyay
                                    is nici mayanee Intaad nabad joogto soo noqo
  Dawee qalbigaa i daxalaystoo Hadalka i damqaaye iga daa
 
 
  Soo
                                    saxa soona dhameeya | 
                                     Heesaha uu qaado Faysal Cumar hees ka mid ah. Heesta midhaheeda waxa curiayay Xudaydi Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
                                    
                                    Wali waa caruuroo
  Baydka Kobaad
  Midab aan cadaan iyo cawlaan ahayn
                                    oo daymadaa cajabiyoo lagu caajisayn iyo waxaad tahay mas ciideed
  wali waa caruuroo waa laan curdina oo waxa
                                    loo carbinayaa sida fras colaadiyo sange loo cugtamayee
  Baydka Labbaad
  cir habeeno da'ay oo doog iyo
                                    caleen ba leh ama rays cagaaroo ciiradu ka duushiyo cosobkay la midab tee
  wali waa caruur oo waa laan curdina
                                    oo waxa loo carbinayaa sida faras colaad iyo sange loo cugtamayee
  Baydka Saddexaad
  cambaruudka naasaha caaradaa
                                    madow iyo luquntaa cabaadhka le iyo cududaheediyo kubabkaa is celiyee
  wali wa caruur oo waa laan curdina
                                    oo waxa loo carbinayaa sida faras colaad iyo sange loo cugtamayee
  Baydka Afaraad
  Sunayaal carceere cidhifka
                                    isla gaadhiyo indha cawl la moodoo caashaqa abuuraa  igu beeray cudurkee
  wali waa caruuroo waa laan curdina
                                    oo waxa loo carbinayaa sida faras colaadiyo sange loo cugtamaye
 
  |