Calitiriig Suugaan

Buraanburka

Home
Heeso Qoran
Gobanima Doonayaashii
Silsiladaha ugu caansan
Waa Maxay Gaybay
Boga Buraanburka

Buraanburku waa qayb ka mid ha suugaanta  waxaan uu gaar u yahay Dumarka.
 
Buraanburku waxaa uu gaar u yahay Dumarka somalida meel kasta ha joogaan, sida Gabeygu Ragga ugu gaar ahaa, isla markaa buraanburku qaabab gooni ah ayaa loo buraanburaa taas oo ku xidhan hadba gobalka la joogo, sababtoo ah wadanku uu weyn yahay dadkuna ismey soo gaadhin jirin sidaa darted ayaa qollo welib nooc u gaar ah ugu luuqeysaa. Buraanburku badanaa waxaa uu ka hadlaa ama loo adgeegsadaa farxada aroosyada/amaan ahaan/waanno/dardaaran iwm. waxaa kaloo loo isticmaalaa diilada/cabashada hadii naag marwo ah uu xumeeyo ninkeedu ama xilkii reerkooda ka soo bixi waayo.
xaawo ayeeyo

BURAANBUR KA HADLAYA NABADDA IYO XUQUUQUL INSAANKA

Buraanburkaan waxaa tirisay Haweeneyda la yiraahdo Xaawo Jabriil Maxamed, waxayna uga hadleysaa dhibaatooyinka dagaallada sokeeye iyo xadgudubyada xuquuqul Insaan ee loo geysto dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Dumarka, waxayna ku billowday Buraanburkeeda:

Xuquuqul Insaanki iyo Diintiiba lagu xadgudub

Xabbaddii ma ay joogsan Nabaddiina lama xasilin

Xinjir baa qubaneysa Xarbigiina ma uu dhammaan

Meyd aan la xabaalin baa Xaafadaha dhexyaal

Baladu Xamar kaliya maahee Xaggii walbaba

Xinka Qabiilkiyo xasuuqiiba waa jiraa

Xarrago Gobanimo ma naqaan Calan Xurmadiis

Waxaa xaqiiqowday Xayawaan inaanu nahay

Dad baa xalaaleystay Rabbigeey wuxuu xarrimay

Dumarka in la xoogo iyo tuugo waa xun tahay

Waxa xadgudubkaahi Rabbi wow xisaaban tahay

Malaa’igo aan daal la xuurtoonin bay xafida

Jiir xanuunkiyo nimankeennu ma leh xusuus

Xukun jeclaantiis ayaa xaasidiin ka dhigay

Kuwaannu xambaarnay oo nuugay xooxdayada

Kuwo xaq nagu leh kuwo aan xilo u nahay

Weysku xirannahee raggu xiisadey kacsheen

Xawaleeyey sidee baan ku xallinnaa?

Buraanbur link
 
]http://mitglied.lycos.de/bulsho/poetry.htm
 
 

dadka buraan bura
 
Xaawo ayeeyo
ina cumar
Safiya maxamoud

Buraanburka raga
 
Quule Indhoole, Alla ha u naxariistee, ayaa la yaabay buraanbur uu tiriyey nin Ina Cumar Dage la odhan jirey
oo awood iyo gabanimo Eebbe ku qadiyey is yidhi sheego. Quulle wuxu yaabkii ka keenay tix ay naga soo gaadhay
 
Gu’ ka siman galoolkiyo cayadu, waana laba geede
Goolkeeda weynaaday ee, geeda-balaxoobay
Iyo Niriga gooraan jaqaa, geela laba awre?
Garranuugta iyo Cawsha iyo, goodirada hawdka
Iyo geesa weynow Biciid, guudka ugaadhe

Anoo gaban ah baan joogi jirey, goballadiisiiye
Adba Dalalka waad soo gashaaye, gaagyar baad tahaye
Giddigoodba reer Muxumed Dalal, gogol ma buuxshaane

Nimankaa gamuunyeyn lahaa, iima soo geline
Gobta Khalaf guryaha Xaji Cali, go’bada Reer Yuusuf
Ina Xayle gaaskuu watiyo, gaanka Bah-xawaadle
Waxaad garan lahayd Reer Xirsoo, godobu noo taale

Gawsa-xiin waxaad kula baxdeen, helay gedeediiye
Shanta geed-midhood iyo surtaan, guran taqaaniine
Maxaan Ina-Dagow kuu gabyaa, geel jir baad tahay
 

Enter supporting content here