Make your own free website on Tripod.com

Calitiriig Suugaan

Home
Heeso Qoran
Gobanima Doonayaashii
Silsiladaha ugu caansan
Waa Maxay Gaybay
Boga Buraanburka

  -   -
Wacan oo waanagsan waxaad ku soo dhowaataan qaybta aan u sameeya suugaanta Somaliyeed.
 
Waa maxay suugaani?
 

Nin kee ugu Gabay badan ragan ?

Horta waa maxay Suugaan?


wacan oo  wanaagsan mahad alleh baa is ka leh

  Waxaa horta is waydiin leh waxay Suugaani tahay iyo waxay u kala baxdo ?

Suugaan waa lafdhabarta Dhaqanka aduunkuna waa wax yaabah uu ka siman yahay illahay markuu aboouray umad walba waxay yeelatay luuqad  u gaar ah oo ay isku aaf garato Luuqadii waxaay uga sii gudbeen dhaqan ay samaysteen oo ah sidii dastuurkii oo kale dhaqankii waxaa uga so baxay Suugaan oo ah is ku xidh ka luuqada iyo dadka hadaba haydana  sidaa u fasilay Suugaan in kasta oo aan ahayan dadk ku ta khasusay raadinta Suugaanta iyo macnaheed ee aan ahay dadka jecel is kuna daya in ay fahmaan waxay tahay iyagoon baadhin waxaa laga yaba adigag akhrisanaya in aad gaar u fasilato Erayga Suugaan uuna kuu soo baxo macne kayga ka duwan lakiin waxan uhubaa uun in aynu isku meel keenayno maxaa yeelay waxaan wada naqan Furah Suugaanta oo u kal baxa wax yaabo badan sida

 

GABAY

GUUROOW

DHAANTO

MAANSO

HEESO

BURAANBUR

CIYAAR DHAQAMEED

GEERAAR

GUUROOW

JIIFTO

MAAH MAAHO

IWM

 


Sugaantu dhowr nooc ayaan u kala qaadi karnaa taas oo middiba si gooni ah wax u micneyso ama loogu luuqeeyo:
Sida Gabayga, buraanburka, heesaha, geereeka, maahmaahda, halxiraalaha,iwm.

Haddaba faa'iidada ay inoo leedahay ama waxaan ku adeegsano suugantu waxay inaga caawisa Taariikhda Ummadda Somaliyeed hadaan dib u raacnno suugaantu waxay aheyd waxa qudha ee ina xirrin jiray, taas oon ayayn lahay qalabada manta la isticmaallo post, telephone, Ridoe, internet, iwm. Waxay markaa dadku adeegsan jireen gabayada iyagoo fariimo isugu diri jiray aad ay can u aheyd weliba sanadadii xornnimo doonta Abwaanda iyo siyaasiyiinta dalka somaliyeed Suugaanta ayaa door weyn ka ciyaartay.

Faa'iidada Suugaanta:
Waa wehelka, faraxdda/arooska/ilmmo cusub oo dhashay,xornimo la gaadho ama kali ha ahaato ama wadankoo xorooba ha ahaato. Naxdinta/dhiilad/,geeri xun oo kugu timaada, xorninmo darro/dhac lagu dhacay kali iyo wadarba/ siyaasada oo xumaata,kaftanka,iwm intaba suugaanaan had iyo jeer u cuskanaa.

Gabeyada:

Gabaygu tariikh ahaan waxaa uu gaar u ahaa Ninmanka oo qudha taas oo ay had iyo jeer ay kuwada xidhiidhi jireen ama ha ahaato dagaal ama nabad ama amaan, lakiin gadaal xidhiidh guud ahaaneedba.Gabaygu waa leysu caayaa waa leysku amaanaa waxbaa leysugu sheegaa ama wareysi ha ahaado ama digninn/waanno/mahad celin.
Taariikh ahaan gabayda Somalidu waxay kala laheeyeen magacyo iyo u jeedoon kala duwan, waxaa la yaab leh wakhtigaa dadku wey xafidi jireen hadana gabeyga soo baxa maalintaa meel welba waa laga aqoon jiry, waxna lama qori jirin waxna Rikoodh muu jirin,

Xiliyada isticmaarka uu Somalida heysatay, gabayaagu door weyn ayuu ka ciyaaray wacyi galinta ummadda Somaliyeed. Taas oo ay Abwaano badani ku guubaabin jireen dadka Somaliyeed si ay gumaystaha iskaga dhiciyeen. Gabayaaga Somaliyeed waxay ka gabyaan marxalado kala gadisan oo dhammaan saamaysaa geedi socdka nolosha iyo waayaha bulshdaba. Guud ahaan gabayaaga Somaliyeed aad ayaa loo qiimeeya loona qadariyaa.

Siday aheyd gabaydu gaar ayay u ahaayeen Ragga lakiin manta isbadal ayaa dhacay oo dumarkii ayaa bilaabay iney gabayaan welli ka dumarku waxaa uu had iyo jeer u badan yahay waan doon ama cabsho, waana horru mar weyn oo la gaadhay , isla halkaa waxaan ka arkeynaa in Suugaantu ayayna gabow lahayn weliba inagoo manta aanan u baahneyn in u isticmaalnno xirriir sidii wayadaii horeeto.

Buraanbur:

Buraanburku waxaa uu gaar u yahay Dumarka somalida meel kasta ha joogaan, sida Gabeygu Ragga ugu gaar ahaa, isla markaa buraanburku qaabab gooni ah ayaa loo buraanburaa taas oo ku xidhan hadba gobalka la joogo, sababtoo ah wadanku uu weyn yahay dadkuna ismey soo gaadhin jirin sidaa darted ayaa qollo welib nooc u gaar ah ugu luuqeysaa. Buraanburku badanaa waxaa uu ka hadlaa ama loo adgeegsadaa farxada aroosyada/amaan ahaan/waanno/dardaaran iwm. waxaa kaloo loo isticmaalaa diilada/cabashada hadii naag marwo ah uu xumeeyo ninkeedu ama xilkii reerkooda ka soo bixi waayo.


Geeraar:
Geeraarku waa nooc gooni oo leysku afgarto qayb weyna ka qaata suugaanta Somaaliyeed, geerarka waxuu ka dhexeeyaa Ragga iyo Dumarkaba waxuuna u dhaxeeyaa gabeyga iyo buraanburka.Geeraarka Raggu wey ku luuqeeyaan siday caadadu tahay.

Tusaale ahaan: waxaa tiriyey Maxamoud jamac daalin

Illah ha u naxariistee waa Geeraar

Ilaahay ka cabsooda.

Haddaa dhaar Awalkeediyo
Aakhirkeeda martaan
Waa Walaahi Engeg
Oo idin aamini maayo

Umuddii Nebigii iyo(NNKH)
Ashraaf baydin cunteen
Oo Idin aamini maato

Sida Aarkiyo Goosha
Ama Awle Libaaxoo
Afmeer xoolo ku laayaad
Arkaa qaad noqoteen
Oo idin aamini maayo


  1. Heesaha:

heestu waxay u kala qaybsameysaa laba qeybood mid waligeedba jirtay iyo mid casri ah. Midda weligeed jirtay waxaa weeyaaniyadoo lagu luuqeyn jiray taas oon loo isticmaali jirin qalab la garaaco, waxaa laga isticmaalaa miyiga ama tuulooyinka taas oo dhalin yarada ku kaftami jirtay aheyda sida qudha ee aya ku kulmi jireen waxaa loo baxi jiray ciyaaro fiidadak waana leysu heesi jiray.

B. Hees caruureed: caruurteena waa loo heesi jiray haday ooyaan hadey gaajoodaan si loo maaweeliyo ilmahaas waxayna ku xidhneyd kolba hooyadii siday heesaa u tahay ama loo kala xariifsan yahay.

C .Hees xooleed, xooluhu qayb weyn ayuu nolasheena ka qaatay ilaa manta inagoo u adeegsana gadaad iyo ku noolaanshoba, isla markaa waa loo heesi jiray marka la waraabinayo/ la maalayo/la rarayo/la daajinayo/la guurayo.

D. Heeso casri: heesaha manta jira Markey soo baxeen dadku aad ayuu aqoontoodu u badneyd dadkii bilaabayna dhibaatooyin weyn ayay kala kulmeen welib dumarkii fanaantiita ahaa wakhtiyadaa 1950-1970, taas oo loo heystay in qofka heesaa uu ka lumay oo aanu faaii'do danbe laheyn. Hadaba heesaha loo adeegsado qalabka la garaaco waxay u badnaayeen heeso u badan jacey dhex mara wiil iyo gabdh, lakiin markii la soo gaadhay wakhtigii Siyaad Barre heesii weji kale ayay yeesheen oo abwaaniintii si maldahan oo siyaasadi ku jirto lakiin ka hadleysa jacay ayay u alifeen dhibaatooyin badana wey ka soo gaadhay Abwaanada sida Hadraawi oo lagu xidhi jiray, Abdi qays, qaasin,Xudeydi, Huryo.


Halxiraalle:

Halxiraalle waa afka ka duwan afka caadiga ah een ku hadalnno sidii kuwii hore. Harxiraalle isgu waa nooc gooni ahse oo laguma luuqoyo ee su'allo leys weydiiyo weeyaan oo qofku ama uu garto ama uu garan waayo isla markaanay ku xidhan tahay qofkasta aqoontiisa ama waayo argnimadiisa.
Harxidhaaga badanaa Raggu waxay u isticmaali jireen markay ciyaarayaan shaxda ama ay duulimaad tagayaan si ay u kalla ogaadaan ninka aqoonta badan iyo iyo ka aqoonta yar.

Maahmaah:

maahmaahdu had iyo jeer waa hadal hore loo yiri, isla markaana gaboowd. Mahamaahda si gooni aha ayaa loositicmaalaa waana waxa qudha ee hada iyo jeer ku jira hadalkeena, waxay soo koobtaa hadal aad in badan odhan laheyd badanaa waxaa isticmaala qofba qofka uu ka dalyaqaanno ama uu ka weyn yahay.
Waxaase la moodaa in maahmaahii ay gabaabsi yihiin oo leyska dhaafay isticmaalkeedii waase nasiib daro sababtoo maahmaahdu waa udub dhexaadkii hadalkeena.

Qaybaha kaladuwan ee suugaanta

        Suugaantu waxa ay waligeedba ummadda Soomaaliyeed u ahayd laf dhabar, walina u tahay.Suugaan haddaan isku dayno in aan qeexno ereyga suugaan waxa uu yeelanayaa sharaxaad aad u badan, laakiin haddaan si gaaban u ni dhaahno: waa maxay suugaani? jawaabta, waxa ay noqonaysaa wax alla wixii ka duwan hadalka tooska ah. Taasi, waxaan ula jeednaa, haddaan afka Soomaaliyeed ee lagu wada hadlo u kala qaybinno laba:-

                                                     Tix iyo Tiraab

        waxaan odhan karnaa  in dhammaan wixii hadalka caadiga ah, ka duwani uu yahay suugaan. Haddaba waxa la is waydiin karaa, kolka aan afkii soomaaliga oo dhan u kala qaybinnay Tix iyo Tiraab, Tixi
miyaanay ka weyneyn Suugaan. Taas jawaabteedu waa tix. Waayo ereyo gaagaaban ama kooban oo nooc walba ah ayaa noqon kara, ama  Gabay,Hees,Geeraar,Guuroow  iwm...

           Markaas Suugaan, waxaan odhan karraa,  waa wax kasta oo ka duwan hadalka, oo yeelan kara qaab laxan oo lagu  codayn karo, intay doonto iyo noocay doonto ayayna noqon kartaa.Haddii aan ka sheegno wax yar. Haddaba aan wax yar ka sheekeyno heerarkii ay suugaanta Soomaaliyeed  soo martay iyo qaybeheeda. Suugaanta soomaaliyeed, waxa ay soo martay heerar kala duwan, waxayna kala tahay qaybo badan oo kala duduwan: Suugaantu waxa ay ahayd qalabka warfaafineed ee la adeegsado. Taasoo ahayd qalab loo adeegsado guubaabada. baroorta, amaanta, heshiisiinta iyo wax kastoo bulshada dareenkeeda wax ka beddeli karaba.

        Maahmaahaha oo ka mid ah suugaanta soomaaliyeed, ahna tuducyo ama tixo,xambaarsan dhambaalo aad u qaali ah oo koobkoonan. Marka la fasirona wajiyo badan yeelan kara, intooda badanna lama yaqaan waqti la sheegay iyo qof sheegay, waxase  loo malaynayaa in intooda badini inay soo bexeen waqti aan dhawayn.

        Heerarka kala duwan ee ay soo martay suugaantu soomaaliyeed, waxa ay la socotay taariikhda ummadda, waxayna isla beddeleysay xilliyada iyo heerarka nololeed ee bulshada dhex marayso. Suugaantu waxa ay ahayd diiwaanka ugu weyn ee lagu kaydinaayay dhaqanka soomaaliyeed. Qiyaastii qarnigii 18 intii ka horaysay suugaanta soomaaliyeed, wax sidaas u badan lagama hayo sababtuna waa iyadoo aan la haysan qalabka wax lagu kaydiyo iyo qoraaltoona.Qarnigii 19aad suugaan badan ayaa laga hayaa, ha ahaato gabayo, geeraarro, guuroow ama murti kale oo badan. Qarnigaas ragga aad loogu yaqaan ee suugaan yahaniinta ah, waxaa ka mid ahaa: Faarax Nuur, Raage Ugaas, iyo kuwo kale oo badan.Qarnigii 20 waxaan ugu magac dari karaa klasik. Waxa ay ahayd mid la odhan karo waqtigii qaaliga ahaa ee ummadda soomaaliyeed inteeda badani ay ku noolaayeen miyiga.  Halkaas oo ay xeerarkooda, dhaqankooda iyo arrimohooda oo dhan ay u adeegsan jireen suugaanta,  ha ugu  badnaadaan: gabayga, geeraarka, guuroowga iyo buraanburka iyo ciyaaraha dhaqanka.

         Qarnigan dhexdhexaadkiisii, waqtigii gumaysiga lala dagaalamayay, suugaantii    la tiriyay inteedii badnayd waxaa lagu duubay Mulaaxaha hadalka lagu kaydiyo oo waa la helayaa

                                     Qeybaha kala duwan ee suugaantu ka kooban tahay:

         1- gabayga 2-Heesta  3-Geeraarka 4-Guuroowga 5-Buraamburka 6-Jiiftada 7-Maansada 8-Ciyaaro dhaqameedka Ciyaaro dhaqameedku waxay u kala baxaan:

        1-Sayliciga  2.-Saddexleyda  3. Saddex dhacada 4- Shaxleyda 5-Dhaantada 6. Hirwada 7-Gebla shimbirta 8-Welesiqda 9-Hariimahee 10-Botor 11-Waalo 12-Kabeebey iyo kuwo kaloo badan Ciyaariba waxay caan ka tahay goobo ama gobollo ka mid ah dhulweynaha soomaalidu degto.

 
 
 

Enter main content here

Enter secondary content here

Nin ka kaydiya suuganta somaliyeed mudane maxamed faarax idaa jaa