Make your own free website on Tripod.com

CaliTiriig

Waa maxay gabay?

Home
Gobanima Doonayaashii
Silsiladaha ugu caansan
Waa Maxay Gaybay
Boga Buraanburka

Ha la wada ogaado gabaygii in uu dhintay. Ilaahay ha u naxariisto! Kuwa maydkiisa riixaya ee socodka ku khasbaya dadaalkoodu waa hal bacaad lagu lisay. Qayladooda quusta ah dheg looma jalaq siiyo waayo xiise looma hayo maydka ay dudduucayaan. Gabayga ay maanta curiyaan haddii laga dhegaysto wax cusub laga fili maayo ee waa uun qaddarin loo hayo sooyaalk afka iyo dhaqanka. Sidii uu gabaygu u dhintay waxaynu ku faahfaahin qodobka ugu dambeeya daraasaddan, laakiin horta aynu aad uga hadalno taariikh nololeeddiisa.


1. Waa maxay gabay?

Gabay waa hadalmurtiyeed taxan oo ka kooban beydad mid waliba isugu xidhan yahay laba qaar oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhexeeya. Gabaygu qaran ahaan waa Hadal, qabiil ahaan waa Suugaan, qoys ahaan waa Maanso, qof ahaanna waa Gabay. Hadal wuxuu kaga tegey waxii aan murti ahayn ee hadal uun iska ah. Suugaan wuxuu kaga tegey sheeko, maahmaah, khudbad, maqaal iyo majaajillo. Maansana wuxuu kaga tegey geeraar, jiifto, buraanbur iyo dhammaan noocyada heesaha (guuroowgu waa gabay luuq duwan, shiribkuna waa hees). Haddii uu hadalku yahay dhawaaq la isku afgarto oo ka sarreeya dhawaaqa xayawaanku isku afgarto, gabaygu waa heerka dhawaaqaas oo kor loo sii qaaday laguna qurxiyey falsafad, khayaali iyo naaxiyad.

Dad suugaanta aqoon fiican u leh ayaa haddana magaca “maanso” ku kooba gabayga, geeraarka iyo jiiftada oo keliya. Taasi cilmi ahaan caqligal ma noqon karto. Tusaale ahaan maxaa kala duwaya buraanbur iyo geeraar aan ahayn hab-dhaca? Tix oo dhamina waa la xeer, sidaa darteed tix oo dhami waa in ay tahay ”maanso”, xataa heesta ilmaha lagu sabaaliyo.

Waxaa kale oo beryahan dambe gabay lagu sheegaa maansada oo dhan haddii aanay muusig lahayn, maansada oo dhanna waxaa lagu sheegaa hees haddii ay muusig leh dahay, xataa gabayga. Mar kale tixda kale oo dhan waxaa lagu sheegaa maanso, gabaygana gooni ayaa loo saaraa. Labadaa arrimoodba in kasta oo ay cilmi ahaan qalad yihiin haddana waxba kuma jabna in lagu fududaysto. Waayo qofka aanay tani shaqdiisa ahayni kuma khasbana kala barashada noocyada maansada.

Gabaygu waa boqorka maansada soomaalida haddii la eego jacaylka weligii loo qabey iyo sida weyn ee uu u taabbo galay. Muddo dheer wuxuu ahaa dariiqa ugu habboon ee ay dadku warbixinta isugu gudbiyaan taariikhdana ku kaydiyaan, isla markaa isku ammaanaan, isku abaal mariyaan, iskula taliyaan, ku xafiiltamaan ku dagaallamaan kuna haasaawaan. Geeraarka, jiiftada, buraanburka iyo heesaha qudhoodu xoog iyo xiiso badan waa ay lahaan jireen, laakiin midkoodna ma yeelan awoodda iyo qiimaha gabayga.

Gabaygu ha u badnaado loollanka iyo fadqalallada cidaha ka dhex aloosan, wuxuuse ka tegey dhaxal culus oo jacayl, baroordiiq, kaftan, diin iyo sifaynta waayaha iyo dabeecadda intaba leh. Ma aha wax iska abuurma ama la iska tiriyo oo dabadeed iska macno beela, ee mar walba wuxuu ahaa warbixin ku saabsan waqtiga la marayo iyo xaaladda nololeed ee qof iyo bulsho lagu jiro. Haddii aynu waddadii dheerayd ee uu gabayga soomaalidu ku soo hayaamay dib u milicsanno, waxaa aynu arkaynaa in uu soo maray maraxalado badan oo ay mid waliba sawir xoog leh inaga siinayso waqtigeedii iyo xaaladdeedii. Mar haddii aanay bulshadii hore wax qori jirin maansada uu gabaygu ugu horreeyaa waa dhabbada keliya ee looga aroori karo taariikhda iyo hiddaha soomaalida.


2. Dhismaha gabayga

In kasta oo uu gabaygu qiimahaa sare ee aynu ka hadalnay weligii lahaa haddana isaga ayaa maansada soomaalida ugu adag marka ay tahay curinta. Wuxuu ka kooban yahay beydad isku miisaan iyo isku qaafiyad ah. Miisaanku waa dhererka ereyada iyo shaqallada ku jira. Qaafiyadduna waa xaraf beydka labadiisa qaar meel xaddidan joogto uga gelaya. Haddii ay ereyada beydku intii loo baahnaa ka dheeraadaan ama ka gaabtaan, iyo haddii xarafka qaafiyadda laga tago ama meel qaldan la geliyo, beydku wuu jabaa, waxaana lagu magacaabaa ”deelqaaf”. Qaafiyaddu waxay noqon kartaa kow iyo labaatanka shibbane mid uun, ama shanta shaqal oo isku qaafiyad ah. Miisaanka beydku wuxuu ku sar go’an yahay hab-dhaca caanka ah ee ah:

Hoyaalayeey hooyaalayey hoyaalayeey hooye

Si kasta oo sharciyadaas cilmi ahaan loo barto qof waliba gabay ma tirin karo haddii aanay xeerarkaasi si dabiici ah maskaxda ula falgelin. Sababta ay dadka qaar iyaga oo carruur ah sirta gabay curinta u helaan qaar kalena iyaga oo duqay ah beyd keliya u dhisi kari waayaan waa arrin kollay aniga yaab ila ah. Taa darteed shaki badan baan ka qabaa qof aan af soomaaliga u dhalani, si kasta oo uu xeerarka maansada u barto, in uu gabay curin karo.

Qofka gabay tirinaya waxaa wanaagsan in uu dareenkiisa ka soo go’o, isla markaa uu hibo u leh yahay ee aanu iska doondoonin. Waayo haddii uu qofku naftiisa ku jujuubo gabay aanu awood ama hibo u lahayn, aad ayuu uga qiimo hoosaynayaa ka uu isaga gabaygu khasbay ee ku abuuray xanuun iyo welwel uu ka seexan waayey. Maansoyahanka runta ah waxaa lagu tilmaansan karaa murtidan Hadraawi ee ah:

laabtu waa i hugmaysaa
afku waa i hud’hudayaa
hadal buu i leh yahay
anna waan hor joogaa


3. Deelqaaf

Guud ahaan marka maansada laga hadlayo waxaa aynu had iyo jeer maqalnaa wax loo yaqaan “deelqaaf". Haddaba taasi waa maxay? Intii aan far soomaalida la qorin xuruufta carabiga ee Qur’aanka lagu baran jirey ayaa la yaqaanney laguna dhaqmi jirey. Sidaa darteed ereyga deelqaaf wuxuu sida muuqata ka yimid labada xaraf ee carabiga ah ee d (deel) iyo q (qaaf). Ujeeddaduna malaha waa: maansada jaban ee aan qaafiyad iyo miisaan ku soconi waxay la mid tahay iyada oo isla maanso keliya loo wada qaatay labada xaraf ee d iyo q. Waayo qaafiyaddu waa in ay ahaataa xaraf keliya. Haddaba waxaa laga yaabaa markii u horraysey ee uu ereyga deelqaaf baxay in ay ahayd mar uu qof soo bandhigay tix ku wada socota labada xaraf ee d iyo q, dabadeed lagu dhaliilay: tixdaadu waa deel-qaaf. Ka dibna ay sidaa ku hirgashay.

Waxaynu kale oo og nahay in xarafka d ee carabiga ah aan gadaal xaraf kale lagaga dari karin. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa in loo jeedo: maanso aan ereyadeeda iyo qaafiyaddeedu isu dheelli tirnayni waxay la mid tahay d (deel) oo gadaal lagaga daray q (qaaf), taas oo aan bannaanayn.

Si kastaba deelqaafku ha ku baxo, laakiin waxaynu u qaybin karnaa afar nooc:

a) deelqaaf qaafiyadeed.

Tixdu waa in ay bilaw ilaa dhammaad ku socotaa xaraf keliya, kaas oo labada qaar ee beydka midba meel xaddidan ka gelaya. Kaas ayaa ah qaafiyadda tixda. Haddiise beydka ama beydadka marba xaraf loo boodo waa deelqaaf aad u foolxun. Bal tusaalahan u fiirso halka uu xarafka qaafiyaddu ku jiro ee beydka isugu dheelli tirayo, iyo sida uu hakadku labada qaar ee beydka u kala qaybinayo. Raage Ugaas:

sida koorta yucub oo la sudhay, korammo buubaal ah
ama geel karreeboo nirgaha, laga kaxaynaayo
ama beelo kaynaan ah oo, kor u hayaamaaya
xalay kololo’aygii ma ledin, kaammil reeruhuye

Bal hoos u eeg marka qaafiyadda meesheeda laga dhaqaajiyo waxa dhaca:

sida koorta yucub oo korammo buubaal ah la sudhay
ama geel karreeb ah oo laga kaxaynaayo nirgaha
ama beelo kaynaan ah oo u hayaamaaya kor
xalay ma ledin kolola’aygii kaammil reeruhuye

Haddaba xarafka qaafiyadda ma aha uun in laba meelood beyd walba lagaga soo celceliyo, ee waa in uu dhab ahaan qaafiyad u taagan yahay. Waxaa dhici karta xaraf qaafiyadeedka in beyd walba shan jeer la geliyo laakiin marnaba aanu qaafiyad ahayn. Waxaa xusid mudan shanta xaraf ee shaqalku in ay u wada taagan yihiin xaraf qaafiyadeed keliya. U fiirso beydadkan Jaamac Kediye Cilmi:

abbaarta iyo taariikhdu waa lama illaawaane
eridhabanki kala goosmay baan ururinayaaye
aarankii dibjiray baan intaa ‘ooho’ leh yahaye

b) deelqaaf miisaan.

Sidii aynu aragnay beydka tixdu wuxuu ka samaysan yahay ereyo isu dheelli tiran oo isku mar go’aya, oo bixiinaya dhadhan muusig ah, kaas oo ah waxa koowaad ee ka dhigaya tix. Bal arag kala duwanaanta tix iyo tiraab isku macne ah. Cilmi-Boodhari:

Tix

sidii aad go’aygii tihiyo macawistaan goostay
ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
ama aan geyiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta
gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey

Tiraab

sidii aad go’aygii tahay iyo macawistii aan goostay
ama aad godkii aakhiro iyo geerida iga baajin
ama aan geyiga lagu ogayn gabadh kale oo joogta
gardaraniyaa maxaan Hodan Cabdullaay kaaga go’i waayey

Waa aynu aragnaa tuducu isaga oo aan macnihii iyo xarafkii qaafiyadda midna waayin haddana in uu dheelliyey sidaana ku burburay.

t) deelqaaf anshax.

Waxaa habboon maansoyahanku in uu ilaaliyo anshaxa suubban iyo edebta guud. Haddiise uu dhex dabbaasho aflagaaddo iyo meelkadhac, si kasta oo ay maansadu fan ahaan u dhisan tahay waa deelqaaf. Waxaa jirey rag tiriyey tixo fan ahaan sarreeya laakiin asluub ahaan aad u hooseeya sidaana ku milge iyo maamuus waayey. U malayn maayo taariikhda in uu soo maray gabyaa Ina Cabdulle Xasan deelqaafka noocaas ah kala mid ahi, waayo ma jirin erey xun oo uu carrabkiisu ka dhawrsan jirey. Laakiin dhaliishaa isaga waxaa u asturay maansadiisa badan ee wanaagsan.

Anshax ilaalinta macnaheedu ma aha in aan lagu dhiirran in wax cusub laga gabyo ama si cusub loo gabyo. Mana aha in hab-fekerka iyo hab-dhaqanka guud ee bulshada addoon loo noqdo, kaas oo laga yaabo in uu dambeeyo ama qaldan yahay.

j) deelqaaf garmaqaatenimo.

Iyada oo aan daliil iyo marag la hayn ama la heli karin haddii xaqiiqada laga been sheego, amaba doodda maansada ogaan muran loo geliyo, waa nooc deelqaafka ka mid ah. Dadkii hore aad ayey isaga ilaalin jireen in ay tixda ku darsadaan qodob ama erey lagaga gar heli karo. Afartanaadkii qarnigii tegey Maxamed-Yawle isaga oo taa ka duulaya wuxuu Maxamed Cumar-Dage ugu baanay:

dalka la isku haystaaba waa degelladiinniiye
xaggeed durugsateen gabaygu waa idinku deelqaafe?

Labadan nin doodda qabyaaladeed uga gar niqi mayno ee waxaa inooga dan ah deelqaafka halkan ku carrabbaaban.

Labada deelqaaf ee dambe labada hore waxay kaga duwan yihiin iyagu maanso ahaan ma qaldana ee mid anshax ahaan ayuu qarriban yahay, midna dood ahaan ayuu gurracan yahay. Xataa hadalka caadiga ah qofka labadaa arrimood ku kaca waxaa lagu tilmaamaa qof deelqaaf ku hadlay.


4. Luuqda

Maanso waliba waxay leh dahay luuq u gaar ah oo lagu garto. Hees cayaareedda kala duwan mid waliba waxay leh dahay luuq iyo naaxiyad u gooni ah, oo ay inta badan weheliyaan jiib, jaan, sacab iyo mararka qaarkood durbaan ama muusig kale. Sidoo kale hees hawleeddu sida ay u kala duwan tahay ayey u kala luuq duwan tahay. Gabayguna waa la mid oo wuxuu leh yahay luuq u gaar ah oo marka dhawaaqa u horreeya la maqlo la garanayo waxa soo socdaa in uu yahay gabay. Waase ay dhacdaa, siiba waqtigan casriga ah, in gabayga luuq la’aan la mariyo.

Haddaba gabaygu isaga oo leh luuq ku dhisan miisaanka caanka ah ee (hoyaalayeey hooyaalayeey hoyaalayey hooye), haddana gabyaa waliba wuu samaysan karaa luuq isaga u gooni ah, isaga oo aan isla markaa jebin miisaanka kor ku xusan. Kicinta codka iyo dejintiisa, jiidista ereyada ama goyntooda, iyo inta beyd ee lagu hoorinayo, gabyaa waliba khayaaligiisa ayuu ka samaystaa. Bal tusaale ahaan isu eeg Timocadde iyo Dhoodaan. Waxaad arkaysaa in ay leh yihiin laba luuqood oo aad caan u ah aadna u kala duwan, taas oo aan codka oo keliya ahayn. Gabyaaga aan lahayn luuq isaga u gooni ahi wuxuu raacaa laba dariiqo mid uun: In uu adeegsado luuq guud oo aan cid ay u gaar tahay la aqoon, ama in uu qaato luuq gabyaa kale.

Haddaba maansada kale ee aan gabayga ahayn waa aynu fahmi karnaa sababta loogu luuqaynayo, ama jiibta, jaanta, sacabka iyo qalabka la tumo loola miciinsado. Waayo munaasabad hawleed iyo mid cayaareed labadaba ereyada maansada waxaa la muhimmad ah amaba ka sii muhiimsan xamaasadda iyo xiisaha la rabo in jawiga lagu abuuro. Arrimahaana waxaa lagama maarmaan u ah naaxiyad iyo jiib macaan oo dareenka kicin kara. Dareenka sidaa loo kiciyey ayaa hawsha la hayo culayskeeda lagu illaawaa, farxadda lagu jiro loogu furfurmaa, madaddaaladana loogu riyaaqaa. Hooyadu marka ay ilmaha hees cod macaan ugu luuqayso wuu ku raaxaystaa dabadeed oohinta joojiyaa. Marka uu barbaar cod furani si yaab leh cayaar ugu dhufto gabdhaha la jooga kama tagaan kuwa maqanina kama raagaan. Xoolaha marka hees shubaal ah loo saaro darka ayey ku soo qamaamaan biyahana habsami u cabbaan. Xataa neef biyodiid ah haddii cod macaan loogu heeso waxay u badan tahay in uu cabbo.

Laakiin gabayga hawl laguma fududaysto, dheel la tumayana hab-dhaceeda laguma ilaashado, ee waxaa laga mariyaa gole aamusan oo isdhegeysi iyo degganaan leh. Haddaba waa maxay ujeeddada loogu luuqeeyaa? Miyiga, oo ah dhulkii gabayga laga tirin jirey, habeen iyo maalin dadku wuu kala durdurugsanaa oo waxaa la ahaa debedjoog. Haddiiba aan la soconayn ee la shirayo ama si kale loo bulshaynayo badanaa aqal gudihii laguma kulmi jirin ee waxaa la isugu iman jirey gole bannaan, waxaana isu iman jirey dad badan. Xataa golayaasha ardaaga caweysku ka midka yahay dadku isku gogol ma ay ahayn ee qofba meesha uu jeclaysto ayuu dooyaysan jirey ama jeegada dhigan jirey. Xaaladahaas oo dhan ismaqalku wuu liitey oo dabayl, dhir, habeen iyo hugunka xoolaha ayaa dadka ku kala dhex jirey. Sidaa darteed waxaa daruuri noqotay in la helo wax carqaladahaa lagaga gudbo, taasina sida muuqata waxaa ay noqotay in gabayga kor loogu luuqeeyo.

Haddaba weydiinta ah “maxaa gabayga loogu luuqeeyaa?” jawaabteedu waxaa ay ku urursan tahay qodobbadan soo docda:

a) In maqalka dhegeystaha lagu soo jiito lana abuuro jawi gabay.

b) In codka kor loogu qaado si loo wada maqlo.

t) In ereyada lagu jiidjiido si loo fahmo.

Maanta qiimo weyn lama siiyo ku luuqaynta gabayga, sababta oo ah xaaladda nolosha ayaa tii hore ka duwan. Qol afar derbi leh lagama dhex qaylin karo oo jabaqda codka ayaa soo noqnoqonaysa. Isla markaa lama hayo waqti lagu dhegaysto qof gelin dhan tix jiidjiidaya.


5. Sooyaalka gabayga

Cidina ma ogaan karto bilawgii gabayga soomaaliyeed, waayo ilaa xilli aad u fog ayuu qayb dabiici ah ka soo ahaa dhismaha iyo horumarka afka. Waana la garan karaa in aanu maalin keliya abuurmin ee soo maray marxalado iyo isbeddello badan, ilaa uu u egaaday sida uu maanta u eg yahay. Wax kasta oo bilaw ah waxaa lagu yaqaan qabyo iyo kala dhinnaan, laakiin gabayga soomaalida inta la yaqaan tixaha ugu da weyni waxba kagama duwana ka maanta, nuxur iyo qaab toona. Taasi waxay muujinaysaa dhalashada gabaygu in ay inta la yaqaan aad uga fog tahay. Taa fog waxba kama sheegi karno, halkanse waxaa aynu ku soo koobaynaa inta ugu dhow, oo aynu u qaybin karno sidan:

a) Marxaladdii finiinka.

Magacaa waxaan ugu bixiyey in waxa laga hayaa ay yihiin finiin seben fog ka soo firdhay oo dirqi inagu soo gaadhey. Raage Ugaas ayeynu tixo dhawr ah ka naqaan, kaas oo lagu maleeyo laba boqol oo sano hortood. Sida la sheego Raage Ugaas waxaa la casri ahaa aw Muuse Ismaaciil Samatar oo loogu abtiriyo tix lagu magacaabo “Darbadaaley”. Labadaba waxaa ka sii shisheeya Ugaas Nuur Ugaas Rooble oo qarnigii 18-aad horraantiisii ku beegan. Waxaa kale oo cod dinniiq ahi inaga soo gaadhayaa gabadh la odhan jirey Geelo iyo nin ay iyada isu maansoon jireen. Intaba waxaa ka fac weyn tixo uu ugaas degaanka Awdal u dhashay far soomaali uu isagu samaystay ku qoray, taas oo ah qarnigii 17-aad. Dabadeed imaatinka reer yurub waxaa la jaanqaadday maansada Faarax Nuur. Intaa ka dib waxaa la soo galay taariikhda cusub.

b) Marxaladdii fadqalallada.

Waa casrigii uu gabay soomaaligu inta la og yahay ugu xoog badnaa. Waxay ku beegan tahay bilawgii qarnigii labaatanaad ilaa afartanaadkiisii. Berigaa waxaa gaar ahaan waqooyiga iyo galbeedka ka soo baxay gabyaa aad u badan kuwaas oo gabayga intiisa ugu caansani ku abtirsato. Sababta uu gabayga xilligaa meesha ugu sarraysa u gaadhey waxaa sabab u noqon kara dhawr arrimood oo iskaashaday oo ay ka mid yihiin:

1) Waxaa kor u kacday aqoonta bulshada, taas oo ay sababeen shisheeyihii dalka yimid iyo fekerkii dhan walba ahaa ee la bilawday. Taasi waxaa ay soo kordhisey waxyaalo iyo xaalado cusub oo ay khasab noqotay in laga maansoodo.

2) Marxaladdaasi waxaa ay ku beegnayd dhaqdhaqaaqii daraawiishta oo saamayn xoog leh ku yeeshay nolosha iyo fekerka bulsho weynta. Taana waxaa doorka ugu weyn ka cayaaray hoggaamiyihii dhaqdhaqaaqaas, Maxamed Cabdulle Xasan, oo qudhiisu gabaygii iyo dirirtii berigaa hormuud u ahaa.

3) Xilligaa loollanka qabiilku wuxuu gaadhey heerka ugu sarreeya taas oo gabayga raad weyn ku yeelatay. Dagaalladii daraawiishta iyo natiijooyinkii kala duwanaa ee ka abuurmay waxay sii xoojiyeen ugana sii dareen qabyaaladda.

t) Marxaladdii waddaniga.

Si muuq dheer ayaa xilligaa looga arkaa guud ahaan taariikhda bulshada gaar ahaanna dhanka suugaanta. Waxay bilaabatay afartanaadkii waxayna soo gaadhey todobaatanaadkii. Haddii ay marxaladdii hore ahayd tii fidmada iyo fadqalallada qabyaaladda, tani waxay ahayd tii midnimada iyo rajada. Gabyaa badan oo marxaladdii hore ku jirey ayaa tanna soo gaadhey haddana aan waxba ku darsan. Sababtuna malaha waa iyaga oo la qabsan kari waayey qaddiyaddan cusub.

j) Marxaladdii dib u noqoshada.

Tani waxay bilaabatay dhammaadkii todobaatanaadkii waana tan aynu weli ku jirno. Gabayga marxaladdani waa heedaddaw aan waqtigiisa la haysan ee aad uga dambeeya. Waa qabiili siyaasi ah oo labadaa xaaladood isku daray. Gabaygani wuxuu ku bilowday laba weji oo iska soo hor jeeda oo kala ah mucaarad iyo muxaafid.

Dad badan baa maansadooda ugu hiiliyey taliskii kelitaliska ahaa ee dalka ka arriminayey intii u dhexaysay sannadkii 1969 ilaa 1991. Dadkaasi waxay u badnaayeen dhuuniraac taliska u munaafaqeeya. Ma ay lahayn aragti shakhsi iyo afkaar siyaasadeed oo madax bannaan, ee marba dhanka uu talisku u dhaqaaqo ayey ula dhaqaaqi jireen kuna ammaani jireen. Rag badan ayaa akhlaaq ahaan halkaa ku burburay. Kooxda kale ee mucaaradka ah qudheeda badankeedu ma ay lahayn mabda siyaasadeed oo ay meel marinayeen. Sababta gabaygooda mucaaradka ka dhigtayna inta badan waxaa ay ahayd nacayb ay taliska u qabeen oo inta badan qabyaaladi u sabab tahay kuna milan tahay. Bilawgii sagaashanaadkii, markii uu maamulkii lagu kala qaybsanaa meesha ka baxay, fikradihii la isku diiddanaa waxba iskama beddelin. Waayo mar haddii awelba khilaafku aanu mabda ahayn ee qabyaalad ama danaysi ahaa, qabiilkii weli waa uu jiraa dantiina waa la mid.

Labadaa qolo ee marxaladdan waxaa ku saddex ah mid aynu gabaygeeda u bixin karno “Curyaan”. Waa dhallinyaro magaalooyinka ku dhalatay ama ku kacaantay. Waxay isku dayaan in ay gabyaan, laakiin awoodda af soomaaliga iyo aqoonta gabay curinta ayaa aad u hooseeya. Markii laga soo barakacay degaankii uu af soomaaligu ku dhismay ee miyiga, magaaladana ku waayey daryeelkii iyo ka shaqayntii loo baahnaa, ayey adkaatay qof magaalo ku dhashay sidiisaba in uu gabyaa noqdo. Waxaad arkaysaa qof ku leh waan gabyayaa oo duddubinaya hadal aan qaafiyad, miisaan iyo murti midnaba lahayn. Qof magaalo ku dhashay haddii uu maanta tix meelmar ah curiyo waxaa hubaal ah miyiga ayuu lug weyn ku leh yahay.

“Marxaladda dib u noqoshada” maansada qabyaaladda siyaasadeed waxaa ku dhex jirta maanso la shiiqiyey oo u badan waddani iyo jacayl.

In kasta oo ay qabyaaladdu guud ahaan maansada soomaalida aad ula hadhay haddana waxaa jira rag ay la sii hadhay. Maanso badan oo ay tiriyeen waxaa laga yaabaa in aan laga helin tix keliya oo wax kale ku saabsan. Waxaa kale oo jira rag aan gabayga qabiilka u jajabnayn ee jeclaa in ay waxyaalo kale ka maansoodaan laakiin duruufta iyo waqtiga dartood arrintaa si daran faraha ula galay. Waxaase jirta koox saddexaad oo ay qabyaaladdu aad ugu yar tahay qaarkoodna laga yaabo in aanay kuba jirin, kuwaas oo ku mashquulay xaalado kale oo jacayl iyo waddaniyad u badan.

Marka aynu gabyaaga sidaas u qaybinayno waxaa jirta shakhsiyad qayb walba ina hor taagan oo aynaan marna ka lug baxayn. Shakhsiyaddaasi waa Maxamed Cabdulle Xasan. Gabaygiisu waa qabiili, waa waddani, waa diini, waa falsafad, waa madaddaalo, waa wax walba. Sidaa darteed gar ma aha in aynu raacinno koox ka mid ah kooxahaa aynu soo xusnay.


6. Cudurka gabayga dilay

Waa hubaal maanta gabayga in aan loo jeclayn sidii hore, taana sababteeda la iskuma raacsana. Dad baa u arka in gabaygii salguuray oo la waayey gabyaa u dhigma raggii hore. Qaar kalena bulshada waqtigan ayey eedda saaraan oo ku tilmaamaan mid aan gabayga qiimayn. Laakiin labada aragtiyoodba xaqiiqo beeninaysa ayaa jirta. Gabyaa badan oo aan kuwii hore ka dhicin ayaa maanta nool, gabaygooduna kii hore kama tiro iyo tayo liito. Isla markaa bulshada maantu tii hore kama dookh xuma. Haddaba sababta gabayga looga xiisodhacay waa mid kale.

Sidii loo magaaloobay noloshii bulshadu, dhaqan iyo dhaqaale, waa ay doorsoontay. Waxaa la galay xaalad iyo duruuf nololeed oo ka duwan tii hore ee miyiga, waxaana la yeeshay aqoon iyo feker cusub, sidaa darteed waxii hore loo xiisayn jiray wax aan ahayn ayaa maanta la daneeyaa. Haddaba waxaa loo baahnaa gabaygu in uu isbeddelkaa la jaanqaado, taas oo nasiibdarro aan dhicin. Qaylodhaan qabiil iyo tol-la’ay ayuu weli dabada hayaa. Wuxuu ku guuldarraystay in uu soo bandhigo wax si dhab ah uga tarjumaya nolosha cusub. Dabadeed gabaygaa dareenka dhaqaajin kari waayey waxaa beddeshey maanso fudud oo cod macaan iyo muusig debecsan lagu ladhay oo loo bixiyey hees, iyo sheeko la qoray mar kalena inta la jilay ruwaayad loo bixiyey. Kuwaasi gabayga beddel uma noqon karaan, sida aanu isagu iyaga beddel ugu noqon karin, waxayse ahayd in ay wada socdaan.

Waxaa kale oo bulshada maanta lagu dhaliilaa in aanay sidii tii hore gabayga dusha ka qaban, oo ay malaha ka xasuus xun tahay ama ka damiinsan tahay. Eeddaasi run ahaantii waa dulmi. Labada bulsho waxay ku kala duwan yihiin laba arrimood: 1) Tii hore wax maskaxdeeda mashquuliya waxaa ugu badnaa uguna muhiimsanaa gabayga, laakiin maanta waxyaalo kale oo badan ayaa lagu mashquulsan yahay. 2) Awel adeegga keliya ee xasuusta lagu kaydiyaa wuxuu ahaa maskaxda, laakiin maanta waxaa jira qalab kale sida qoraal iyo duubid, sidaa darteed xifdiga gabayga la iskuma hawlo.

Waxaa kale oo hubaal ah labada qaafiyadood ee xaraf iyo miisaan in aanay gabayga soomaaliga guul iyo wanaag u ahayn, ee ay ku yihiin dhibaato iyo carqalad horumarkiisa hor taagan. Dad badan oo gabyi lahaa ayey arrintaasi hakisay, wax badan oo laga gabyi lahaa ayey baajisay, gabay badan oo la tiriyey ayeyna ragaadisey. Sababta oo ah qofka damca in uu tix gabay ah curiyo khasab waxaa ku ah in uu yaqaan xeerarkii aynu soo aragnay oo aan murti badni iyo dareen fogaan ahayn ee ereyo dhisid uun ah. Waxaa kale oo khasab ku ah xarafka uu qaafiyadda u doortay in uu ka yaqaan kana xasuusto ereyo aad u badan. Isla markaas in uu ereyo badan oo dantiisa iyo dareenkiisa ku habboon uga tago qaafiyad ama miisaan la’aan, kuwo kale oo qashin ahna urursado.

Taasi waxay abuurtay gabyaagu in aanu ujeeddada xor u noqon, dareenka uu doonayo in uu cabbiro oo keliyana awoodda saarin, ee ku mashquulo raadinta erey xaraf gaar ah ka kaca, kaas oo aan ujeeddadiisa daruuri u ahayn amaba xataa ka leexinaya. Arrintaasi iyaduna waxay markeeda sababtay laba dhibaato oo kala ah in cabbirid ogaanta ereryada muhimada laga siiyo cabbirid ogaanta ujeeddada, iyo in rogrogista hadalka doorka laga siiyo rogrogista dareenka iyo khayaaliga.

Beri fog ayuu nin soomaaliyeed tix gabay ah tiriyey. Mar kasta oo uu afar wax ka hadlo ama afar beyd dhammeeyo wuxuu dhextaal ka dhigtay “Afartaa intaan alif ka maray meel ma ku adkeeyey”. Niman ka dambeeyey oo gabaygiisa jeclaa ayaa mar kasta oo ay gabyaan taa halhays ka dhigtay. Tusaale ahaan mid baa yidhi: “Afartaa af lama daaliyee erey xun ma u diiday.” Mid kale wuxuu yidhi: “Afartaa intaan miin ka maray meel ma ku hagaajey.” Sidaas ayaa caado laga dhigtay. Dabadeed markii dambe tix aan afar afar loo hoorin ayaa halqabsigaa la iskaga qurxistay. Tusaalahaa aniga ayaa sameeyey ee taariikh sugan ma aha, wuxuuse ka tarjumayaa xaqiiqo jirta. Waa dhif gabyaa soomaaliyeed oo aan qaladkaa iyo kuwa la midka ah gelini.

Ereyada had iyo jeer iyada oo aan wax dan laga lahayn la soo celceliyo, oo tixo badan lagu arki karo, waxaa ka mid ah: Afartaa, meel ma qabad siiyey, meel ma ku hagaajey, daw ma ku hagaajey, dabuubtiisa gabay, dig ma siiyey, sidii aar, sidii hebel, dacwad kalena, bal aan mariyo, bal aan dayo, mar haddaan, dhaaxaan… Xataa kuwa inoogu gabyaasan taasi dhibaato badan ayey ku haysey kuna haysaa. Tix walba waxaynu ka dhex helaynaa ereyo aan wax dan ah laga lahayn oo cidla iska qotoma, kuwaas oo meel daloosha lagu gufeeyey, qaafiyad lagu buuxiyey ama miisaan lagu dheelli tiray. Waxaa aynu kale oo arkaynaa ereyo ujeeddo la’aan la soo celcelinayo iyo kuwo kale oo aan macno xaddidan lahayn, iyo xataa kuwo aan af soomaali ahayn.

Dad badan baa Maxamed Cabdulle Xasan u arka in uu ahaa halgamaa xaqudirir ah. Sidaa si la’eg ayey dad kale oo badani u arkaan in uu ahaa sharwade maatodoox ah. Cali Jaamac Haabiil oo ay isku xilli ahaayeen ayaa ku sifeeyey:

tacabkii ba waa sida Fircoon tabiyo diinaaye
rasuulkii wuxuu nagu tiruu taabka ku hayaaye
taag nimaan lahayn iyo agoon buu ka taajiraye
ma talyaanigaasaa Mahdiya tanina waa yaabe

Lixdanaadkii qarnigii ina dhaafayna Axmed Diiriye (Qaasim) ayaa ku xusay:

Alloow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya
dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
ha daawado dadka u hiiliyiyo doogga soo baxaye
Alloow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara

Sidaas ayaa ilaa maanta shakhsiyadda Maxamed Cabdulle Xasan loogu muransan yahay. Laakiin marka ay tahay xagga maansada laguma muransana in uu ahaa mucjiso ifka loo soo saaray. Ma jiro soomaali kale oo mar hore iyo mar dambe toona tiriyey intaas oo tixood oo isku xoog ah. Haddaba dhibaatada ay qaafiyaddu gabayga ku hayso aynu ka raadinno maansada Maxamed Cabdulle Xasan, taana aynu saddex tusaale ka soo qaadanno.

Tusaale 1

afartaa dujaye bal aan mid kale deelka ka higgaadsho
aan dabeebto eeggana halkay damacday laabtaydu
dacwad kalena waa ina Mashire hadal aan deeqsiiyey

Saddexdaa beyd waxaa ka muuqata tayoxumo aad u weyn oo ay qaafiyaddu sababtay. Marka koowaad macnaha guud ee beydadkan tixo badan ayey isaga iyo rag kaleba u adeegsadeen oo nuxurkii waa laga xaalufiyey. Marka labaad afartaa wuu iska leh yahay ee afar wax oo uu si gaar ah uga soo hadlay meesha ma jiraan. Marka saddexaadna magaca ”Mashire” wax jira ma aha ee isaga ayaa samaystay si uu dheellitir uga dhigto. Qofka uu u jeedaana waa Garaad Maxamuud Cali Shire oo uu cay foolxun u diray.

Tusaale 2

qorrax liicday goortay shamsadu libiqsatoo ciirto
waxaan soo lug qaadaa kolkay laxuhu ciiraane
laankaan fadhiistaa sidii layf martaaniyahe

Saddexdan beyd waxay ka mid ahaayeen tix uu Maxamed Cabdulle Xasan faraskiisii Laaleys oo ka bakhtiyey ugu baroordiiqay. Beydadka waxaa ku jira saddex dhaliilood oo aan maansoyahan weyn u qalmin.

a) Beydka koowaad labadiisa qaar waa isku mid la soo celiyey, waxbana kuma kala duwana af iyo macne toona: qorrax liicday waa uun isla shamsa ciirtay.

b) Beydka labaad wuxuu ku dhammaaday isla ereygii beydka koowad ku dhammaaday ee ciirid, waana foolxumo.

t) Ereyga layf soomaali ma aha in yarna kama soomaaliyoobin ee waa carabi engegan. Macnihiisuna waa isla soomaaliga ku xiga ee martaani (marti).

Tusaale 3

sokeeyaha safeyn kala noqdee suuqyada isgeliyey
hadday saacideen gaaladii saraca keenaysey
isagu seeruhuu dego haddii saakun laga yeeshay
siduu Eebbahay yidhi haddii laga sawaalaayo
ninkii xaqa u saahida haddii saa’il lagu maagi
samci maayo sowdkaan ahayn siinka looxa ahe

Beydadkan waxaan ka soo xulay tix lagu magacaabo “Saha Kacay”. Haddii aynu u fiirsanno ereyada calaamdsan waxaynu arkaynaa in aanay meelna af soomaali ka soo gelin, mana fahmi karo qof aan carabida aqooni. Gabyaagu wuxuu ereyadan uu keligii yaqaanney ugu xishay in ay qaafiyad u buuxiyaan, waayo sida muuqata giddigood waa qaafiyad buuxiyayaal ka wada kaca xarafka s oo ay tixdu ku socoto. Macnahoodu waa sidan:

Safeyn: laba saf.
Saacideen: Taageereen.
Sarac: dalag, ama cudurka suuxdinta.
Saakun: degaan.
Sawaalaayo: laga tegayo
Saa’il: qof su’aal qaba, wuxuuse ka wadaa su’aal.
Samci maayo: maqli maayo.

Sidaas ayey qaafiyadda iyo miisaanku weligood gabayga dhabarjab ugu ahaayeen welina ugu yihiin. Laakiin soomaalidu waxay ahaayeen dad aad u gabay jecel, gabyaagana waxay u arkayeen qof dadka kale ka af soomaali sarreeya. Sidaa darteed kuma ay dhici jirin in ay ku qabsadaan ereyada qaldan ee afkiisa ka soo burqanaya, waxaana ay moodi jireen af soomaali iyaga ka maqan oo isaga Alle u furay.

Waxaa kale oo iyaduna dhaliil weyn leh dabeecadda ah in goob la taagan yahay isla markaaba maanso laga curiyo, taas oo ah wax lagu faano la iskuna ammaano. Dadku maanso curinta waa ay ku kala dheerayn karaan, laakiin maansoyahanku ma aha nebi maansaduna ma aha waxyi samada ka soo dega, ee waa halabuur u baahan oddoros, erey xulasho iyo qurxin. Arrimahaasina waxay u baahan yihiin waqti iyo feker.

Danta awelba maansada loo hindisay welina laga leh yahay waa in wax loogu sifeeyo si aan hadalka caadiga ah loogu sifayn karin. Maansana waxa tayoda ugu sarraysa siiyaa ma aha xeerarka dhismaha, ee waa quruxda iyo murtida ay leh dahay, iyo awooddeeda dhaqaajinta dareenka dadka. Taasina ma fududa inta qaafiyad iyo miisaan loo xayiran yahay. Maansada soomaalidu badanaa dhacdada iyo wax la og yahay ayey uun buunbuunisaa, ee dhacdada ma abuurto, khayaalina iskuma dheehdo.

Waxaan hubaa sababta ugu weyn ee soomaalida maantu maansada Hadraawi u jeceshahay in ay tahay qaddar casriyeyn ah oo uu xagga ujeeddada iyo nuxurka geliyey, in kasta oo qaabku weli sidii yahay. Fogeynta yoolka, sifaynta, sarbeebta iyo u-egaynta intuba maansada Hadraawi waa u gaar. Wuxuu kale oo si xariifnimo ah uga faa’iidaystay dhammaan noocyada maansada soomaalida, inta u dhexaysa gabayga ilaa heesta ay carruurtu maqasha ku raacdo. Taasi isaga halabuurkiisa waxay siisay xorriyad iyo doorasho badan, innagana waxay ina siisay ka xiiso dhicid la’aan.

Haddaba ha la wada ogaado gabaygii markii ay waxaas oo cudur ahi isu biirsadeen ugu dambayn in uu dhintay. Ilaahay ha u naxariisto! Kuwa maanta maydkiisa riixaya ee socodka ku khasbaya dadaalkoodu waa hal bacaad lagu lisay. Gabayga ay maanta curiyaan haddii laga dhegaysto wax cusub laga fili maayo ee waa uun qaddarin loo hayo sooyaalk afka iyo dhaqanka. Haddaba bal in ay gabayga naftu ku soo noqoto ha lagula daalo saddex waxyaalood:

1) Farogelin iyo furfurid ha lagu sameeyo qaafiyadda iyo dheellitirka.

2) Caqliga iyo dhacdada uun yaan lagu meeraysan ee ha loo gudbo khayaaliga.

3) Qabyaaladda lagu daxalaystay ha looga gudbo wax nafta quudin kara.

F.G: tixaha aan tusaalaha u qaatay qaarkood beydadku sida ay u qoran yihiin isuguma xigaan.

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

Enter content here

Enter content here

Enter supporting content here