wacan oo wanaagsan mahad alleh baa is ka leh
Waxaa horta is waydiin leh waxay Suugaani tahay iyo waxay u kala baxdo ?
Suugaan waa lafdhabarta Dhaqanka aduunkuna waa wax yaabah uu ka siman yahay illahay markuu aboouray umad walba
waxay yeelatay luuqad u gaar ah oo ay isku aaf garato Luuqadii waxaay uga sii gudbeen dhaqan ay samaysteen oo ah sidii
dastuurkii oo kale dhaqankii waxaa uga so baxay Suugaan oo ah is ku xidh ka luuqada iyo dadka hadaba haydana sidaa u
fasilay Suugaan in kasta oo aan ahayan dadk ku ta khasusay raadinta Suugaanta iyo macnaheed ee aan ahay dadka jecel is kuna
daya in ay fahmaan waxay tahay iyagoon baadhin waxaa laga yaba adigag akhrisanaya in aad gaar u fasilato Erayga Suugaan uuna
kuu soo baxo macne kayga ka duwan lakiin waxan uhubaa uun in aynu isku meel keenayno maxaa yeelay waxaan wada naqan Furah
Suugaanta oo u kal baxa wax yaabo badan sida
GABAY
GUUROOW
DHAANTO
MAANSO
HEESO
BURAANBUR
CIYAAR DHAQAMEED
GEERAAR
GUUROOW
JIIFTO
MAAH MAAHO
IWM
Sugaantu dhowr nooc ayaan u kala qaadi karnaa taas oo middiba si gooni ah wax u micneyso
ama loogu luuqeeyo:
Sida Gabayga, buraanburka, heesaha, geereeka, maahmaahda, halxiraalaha,iwm.
Haddaba faa'iidada
ay inoo leedahay ama waxaan ku adeegsano suugantu waxay inaga caawisa Taariikhda Ummadda Somaliyeed hadaan dib u raacnno suugaantu
waxay aheyd waxa qudha ee ina xirrin jiray, taas oon ayayn lahay qalabada manta la isticmaallo post, telephone, Ridoe, internet,
iwm. Waxay markaa dadku adeegsan jireen gabayada iyagoo fariimo isugu diri jiray aad ay can u aheyd weliba sanadadii xornnimo
doonta Abwaanda iyo siyaasiyiinta dalka somaliyeed Suugaanta ayaa door weyn ka ciyaartay.
Faa'iidada Suugaanta:
Waa wehelka, faraxdda/arooska/ilmmo cusub oo dhashay,xornimo
la gaadho ama kali ha ahaato ama wadankoo xorooba ha ahaato. Naxdinta/dhiilad/,geeri xun oo kugu timaada, xorninmo darro/dhac
lagu dhacay kali iyo wadarba/ siyaasada oo xumaata,kaftanka,iwm intaba suugaanaan had iyo jeer u cuskanaa.
Gabeyada:
Gabaygu tariikh ahaan
waxaa uu gaar u ahaa Ninmanka oo qudha taas oo ay had iyo jeer ay kuwada xidhiidhi jireen ama ha ahaato dagaal ama nabad ama
amaan, lakiin gadaal xidhiidh guud ahaaneedba.Gabaygu waa leysu caayaa waa leysku amaanaa waxbaa leysugu sheegaa ama wareysi
ha ahaado ama digninn/waanno/mahad celin.
Taariikh ahaan gabayda Somalidu waxay kala laheeyeen magacyo iyo u jeedoon kala
duwan, waxaa la yaab leh wakhtigaa dadku wey xafidi jireen hadana gabeyga soo baxa maalintaa meel welba waa laga aqoon jiry,
waxna lama qori jirin waxna Rikoodh muu jirin,
Xiliyada isticmaarka uu Somalida heysatay, gabayaagu door weyn ayuu
ka ciyaaray wacyi galinta ummadda Somaliyeed. Taas oo ay Abwaano badani ku guubaabin jireen dadka Somaliyeed si ay gumaystaha
iskaga dhiciyeen. Gabayaaga Somaliyeed waxay ka gabyaan marxalado kala gadisan oo dhammaan saamaysaa geedi socdka nolosha
iyo waayaha bulshdaba. Guud ahaan gabayaaga Somaliyeed aad ayaa loo qiimeeya loona qadariyaa.
Siday aheyd gabaydu
gaar ayay u ahaayeen Ragga lakiin manta isbadal ayaa dhacay oo dumarkii ayaa bilaabay iney gabayaan welli ka dumarku waxaa
uu had iyo jeer u badan yahay waan doon ama cabsho, waana horru mar weyn oo la gaadhay , isla halkaa waxaan ka arkeynaa in
Suugaantu ayayna gabow lahayn weliba inagoo manta aanan u baahneyn in u isticmaalnno xirriir sidii wayadaii horeeto.
Buraanbur:
Buraanburku waxaa uu gaar u yahay Dumarka somalida meel
kasta ha joogaan, sida Gabeygu Ragga ugu gaar ahaa, isla markaa buraanburku qaabab gooni ah ayaa loo buraanburaa taas oo ku
xidhan hadba gobalka la joogo, sababtoo ah wadanku uu weyn yahay dadkuna ismey soo gaadhin jirin sidaa darted ayaa qollo welib
nooc u gaar ah ugu luuqeysaa. Buraanburku badanaa waxaa uu ka hadlaa ama loo adgeegsadaa farxada aroosyada/amaan ahaan/waanno/dardaaran
iwm. waxaa kaloo loo isticmaalaa diilada/cabashada hadii naag marwo ah uu xumeeyo ninkeedu ama xilkii reerkooda ka soo bixi
waayo.
Geeraar:
Geeraarku waa nooc gooni oo leysku afgarto qayb
weyna ka qaata suugaanta Somaaliyeed, geerarka waxuu ka dhexeeyaa Ragga iyo Dumarkaba waxuuna u dhaxeeyaa gabeyga iyo buraanburka.Geeraarka
Raggu wey ku luuqeeyaan siday caadadu tahay.
Tusaale ahaan: waxaa tiriyey Maxamoud jamac daalin
Illah ha u naxariistee waa Geeraar
Ilaahay ka cabsooda.
Haddaa dhaar Awalkeediyo
Aakhirkeeda martaan
Waa Walaahi Engeg
Oo idin
aamini maayo
Umuddii Nebigii iyo(NNKH)
Ashraaf baydin cunteen
Oo Idin aamini maato
Sida Aarkiyo Goosha
Ama
Awle Libaaxoo
Afmeer xoolo ku laayaad
Arkaa qaad noqoteen
Oo idin aamini maayo
-
Heesaha:
heestu waxay u kala qaybsameysaa laba qeybood mid waligeedba jirtay iyo mid
casri ah. Midda weligeed jirtay waxaa weeyaaniyadoo lagu luuqeyn jiray taas oon loo isticmaali jirin qalab la garaaco, waxaa
laga isticmaalaa miyiga ama tuulooyinka taas oo dhalin yarada ku kaftami jirtay aheyda sida qudha ee aya ku kulmi jireen waxaa
loo baxi jiray ciyaaro fiidadak waana leysu heesi jiray.
B. Hees caruureed: caruurteena waa loo heesi jiray haday
ooyaan hadey gaajoodaan si loo maaweeliyo ilmahaas waxayna ku xidhneyd kolba hooyadii siday heesaa u tahay ama loo kala xariifsan
yahay.
C .Hees xooleed, xooluhu qayb weyn ayuu nolasheena ka qaatay ilaa manta inagoo u adeegsana gadaad iyo ku noolaanshoba,
isla markaa waa loo heesi jiray marka la waraabinayo/ la maalayo/la rarayo/la daajinayo/la guurayo.
D. Heeso casri:
heesaha manta jira Markey soo baxeen dadku aad ayuu aqoontoodu u badneyd dadkii bilaabayna dhibaatooyin weyn ayay kala kulmeen
welib dumarkii fanaantiita ahaa wakhtiyadaa 1950-1970, taas oo loo heystay in qofka heesaa uu ka lumay oo aanu faaii'do danbe
laheyn. Hadaba heesaha loo adeegsado qalabka la garaaco waxay u badnaayeen heeso u badan jacey dhex mara wiil iyo gabdh, lakiin
markii la soo gaadhay wakhtigii Siyaad Barre heesii weji kale ayay yeesheen oo abwaaniintii si maldahan oo siyaasadi ku jirto
lakiin ka hadleysa jacay ayay u alifeen dhibaatooyin badana wey ka soo gaadhay Abwaanada sida Hadraawi oo lagu xidhi jiray,
Abdi qays, qaasin,Xudeydi, Huryo.
Halxiraalle:
Halxiraalle
waa afka ka duwan afka caadiga ah een ku hadalnno sidii kuwii hore. Harxiraalle isgu waa nooc gooni ahse oo laguma luuqoyo
ee su'allo leys weydiiyo weeyaan oo qofku ama uu garto ama uu garan waayo isla markaanay ku xidhan tahay qofkasta aqoontiisa
ama waayo argnimadiisa.
Harxidhaaga badanaa Raggu waxay u isticmaali jireen markay ciyaarayaan shaxda ama ay duulimaad
tagayaan si ay u kalla ogaadaan ninka aqoonta badan iyo iyo ka aqoonta yar.
Maahmaah:
maahmaahdu had iyo jeer waa hadal hore loo yiri, isla markaana
gaboowd. Mahamaahda si gooni aha ayaa loositicmaalaa waana waxa qudha ee hada iyo jeer ku jira hadalkeena, waxay soo koobtaa
hadal aad in badan odhan laheyd badanaa waxaa isticmaala qofba qofka uu ka dalyaqaanno ama uu ka weyn yahay.
Waxaase la
moodaa in maahmaahii ay gabaabsi yihiin oo leyska dhaafay isticmaalkeedii waase nasiib daro sababtoo maahmaahdu waa udub dhexaadkii
hadalkeena.
Qaybaha kaladuwan ee suugaanta
Suugaantu waxa ay waligeedba
ummadda Soomaaliyeed u ahayd laf dhabar, walina u tahay.Suugaan haddaan isku dayno in aan qeexno ereyga suugaan waxa uu yeelanayaa
sharaxaad aad u badan, laakiin haddaan si gaaban u ni dhaahno: waa maxay suugaani? jawaabta, waxa ay noqonaysaa wax alla wixii
ka duwan hadalka tooska ah. Taasi, waxaan ula jeednaa, haddaan afka Soomaaliyeed ee lagu wada hadlo u kala qaybinno laba:-
Tix iyo Tiraab
waxaan odhan karnaa
in dhammaan wixii hadalka caadiga ah, ka duwani uu yahay suugaan. Haddaba waxa la is waydiin karaa, kolka aan afkii soomaaliga
oo dhan u kala qaybinnay Tix iyo Tiraab, Tixi
miyaanay ka weyneyn Suugaan. Taas jawaabteedu waa tix. Waayo ereyo gaagaaban
ama kooban oo nooc walba ah ayaa noqon kara, ama Gabay,Hees,Geeraar,Guuroow iwm...
Markaas Suugaan,
waxaan odhan karraa, waa wax kasta oo ka duwan hadalka, oo yeelan kara qaab laxan oo lagu codayn karo, intay doonto
iyo noocay doonto ayayna noqon kartaa.Haddii aan ka sheegno wax yar. Haddaba aan wax yar ka sheekeyno heerarkii ay suugaanta
Soomaaliyeed soo martay iyo qaybeheeda. Suugaanta soomaaliyeed, waxa ay soo martay heerar kala duwan, waxayna kala tahay
qaybo badan oo kala duduwan: Suugaantu waxa ay ahayd qalabka warfaafineed ee la adeegsado. Taasoo ahayd qalab loo adeegsado
guubaabada. baroorta, amaanta, heshiisiinta iyo wax kastoo bulshada dareenkeeda wax ka beddeli karaba.
Maahmaahaha oo ka mid ah suugaanta
soomaaliyeed, ahna tuducyo ama tixo,xambaarsan dhambaalo aad u qaali ah oo koobkoonan. Marka la fasirona wajiyo badan yeelan
kara, intooda badanna lama yaqaan waqti la sheegay iyo qof sheegay, waxase loo malaynayaa in intooda badini inay soo
bexeen waqti aan dhawayn.
Heerarka kala duwan ee ay soo martay
suugaantu soomaaliyeed, waxa ay la socotay taariikhda ummadda, waxayna isla beddeleysay xilliyada iyo heerarka nololeed ee
bulshada dhex marayso. Suugaantu waxa ay ahayd diiwaanka ugu weyn ee lagu kaydinaayay dhaqanka soomaaliyeed. Qiyaastii qarnigii
18 intii ka horaysay suugaanta soomaaliyeed, wax sidaas u badan lagama hayo sababtuna waa iyadoo aan la haysan qalabka wax
lagu kaydiyo iyo qoraaltoona.Qarnigii 19aad suugaan badan ayaa laga hayaa, ha ahaato gabayo, geeraarro, guuroow ama murti
kale oo badan. Qarnigaas ragga aad loogu yaqaan ee suugaan yahaniinta ah, waxaa ka mid ahaa: Faarax Nuur, Raage Ugaas, iyo
kuwo kale oo badan.Qarnigii 20 waxaan ugu magac dari karaa klasik. Waxa ay ahayd mid la odhan karo waqtigii qaaliga ahaa ee
ummadda soomaaliyeed inteeda badani ay ku noolaayeen miyiga. Halkaas oo ay xeerarkooda, dhaqankooda iyo arrimohooda
oo dhan ay u adeegsan jireen suugaanta, ha ugu badnaadaan: gabayga, geeraarka, guuroowga iyo buraanburka iyo ciyaaraha
dhaqanka.
Qarnigan dhexdhexaadkiisii,
waqtigii gumaysiga lala dagaalamayay, suugaantii la tiriyay inteedii badnayd waxaa lagu duubay Mulaaxaha
hadalka lagu kaydiyo oo waa la helayaa
Qeybaha kala duwan ee suugaantu ka kooban tahay:
1- gabayga 2-Heesta 3-Geeraarka
4-Guuroowga 5-Buraamburka 6-Jiiftada 7-Maansada 8-Ciyaaro dhaqameedka Ciyaaro dhaqameedku waxay u kala baxaan:
1-Sayliciga 2.-Saddexleyda 3.
Saddex dhacada 4- Shaxleyda 5-Dhaantada 6. Hirwada 7-Gebla shimbirta 8-Welesiqda 9-Hariimahee 10-Botor 11-Waalo 12-Kabeebey
iyo kuwo kaloo badan Ciyaariba waxay caan ka tahay goobo ama gobollo ka mid ah dhulweynaha soomaalidu degto.