CaliTiriig

Buraanburka

Home
Gobanima Doonayaashii
Silsiladaha ugu caansan
Waa Maxay Gaybay
Boga Buraanburka

Buraanburku waa qayb ka mid ha suugaanta  waxaan uu gaar u yahay Dumarka.
 
Buraanburku waxaa uu gaar u yahay Dumarka somalida meel kasta ha joogaan, sida Gabeygu Ragga ugu gaar ahaa, isla markaa buraanburku qaabab gooni ah ayaa loo buraanburaa taas oo ku xidhan hadba gobalka la joogo, sababtoo ah wadanku uu weyn yahay dadkuna ismey soo gaadhin jirin sidaa darted ayaa qollo welib nooc u gaar ah ugu luuqeysaa. Buraanburku badanaa waxaa uu ka hadlaa ama loo adgeegsadaa farxada aroosyada/amaan ahaan/waanno/dardaaran iwm. waxaa kaloo loo isticmaalaa diilada/cabashada hadii naag marwo ah uu xumeeyo ninkeedu ama xilkii reerkooda ka soo bixi waayo.
xaawo ayeeyo

BURAANBUR KA HADLAYA NABADDA IYO XUQUUQUL INSAANKA

Buraanburkaan waxaa tirisay Haweeneyda la yiraahdo Xaawo Jabriil Maxamed, waxayna uga hadleysaa dhibaatooyinka dagaallada sokeeye iyo xadgudubyada xuquuqul Insaan ee loo geysto dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Dumarka, waxayna ku billowday Buraanburkeeda:

Xuquuqul Insaanki iyo Diintiiba lagu xadgudub

Xabbaddii ma ay joogsan Nabaddiina lama xasilin

Xinjir baa qubaneysa Xarbigiina ma uu dhammaan

Meyd aan la xabaalin baa Xaafadaha dhexyaal

Baladu Xamar kaliya maahee Xaggii walbaba

Xinka Qabiilkiyo xasuuqiiba waa jiraa

Xarrago Gobanimo ma naqaan Calan Xurmadiis

Waxaa xaqiiqowday Xayawaan inaanu nahay

Dad baa xalaaleystay Rabbigeey wuxuu xarrimay

Dumarka in la xoogo iyo tuugo waa xun tahay

Waxa xadgudubkaahi Rabbi wow xisaaban tahay

Malaa’igo aan daal la xuurtoonin bay xafida

Jiir xanuunkiyo nimankeennu ma leh xusuus

Xukun jeclaantiis ayaa xaasidiin ka dhigay

Kuwaannu xambaarnay oo nuugay xooxdayada

Kuwo xaq nagu leh kuwo aan xilo u nahay

Weysku xirannahee raggu xiisadey kacsheen

Xawaleeyey sidee baan ku xallinnaa?

Enter second column content here

Enter first column content here

Enter third column content here

Enter supporting content here